Ma Dhabaa In Ku Xigeenkii Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Cabdinaasir Qodax Iyo Xisbul Muxaafidka KULMIYE U Socdaan Wada Hadallo Hoose?

0
589

Hargeysa, June 24, 2021- (Foore)- Ku Xigeenkii Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Cabdinaasir Yuusuf Qodax oo ka mid ahaa Xildhibaanadii ku guulaystay Kuraasta Golaha Wakiiladda Gobolka Maroodi-Jeex ee kasoo baxay Xisbiga UCID ayaa wararku ay sheegayaan inuu wadahadal hoose la bilawday Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye iyo Xukuumaddiisa.

Cabdinaasir Yuusuf Qodax oo hore u iclaamiyay inuu tartan ugu jiro Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda Somaliland ee Cusub ayaa ku hungoobay Midawgii Xisbiyada Mucaaridka kadib markii ay ka reebeen tartankaasi islamarkaana ay u xusheen xubno kale, waxaana la sheegayaa innuu Xildhibaan Cabdinaasir Qodax hankiisii ula guurayo Dhinaca Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMLIYE halkaasi oo uu soo dhawayn iyo gacan haadin uu ka helay, islamarkaana uu wadahadal hoose u socdo. Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore helay ayaa sheegaya in Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Qodax oo wata ama hogaaminaya Xildhibaano illaa todoba xubnood ku dhaw oo xisbigiisa ka tirsani, kana tirsan Taageerayaashiisa, ay wadahadal hoose la furteen Xisbiga Kulmiye halkaasi oo uu gorgortan kula galayo in lasiiyo Kursiga Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland, waxaanay wararkani sheegayaan in wadahadalkaasi u dhaw yihiin inuu guul ku dhamaado islamarkaana, waxay wararku sheegayaan inuu soo dhawayn xoogleh uu ka helay dhinaca Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadeedaba. Majiro wali war rasmi ah oo dhinaca Xisbiga Kulmiye iyo Xildhibaan Cabdinaasir Qodax kasoo baxay oo arintani ku saabsan balse ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa noo xaqiijiyay jiritaan warkan.  Siyaasi Cabdinaasir Yuusuf Qodax oo ah nin dhallinyaro ah ayaa muddo dheer waxa uu gacan yare u ahaa Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe kaasoo xilka ku xigeenka xoghayaha guud ee xisbiga UCID muddo dheer ahaa balse muddooyinkii ugu dambeeyey tan iyo markii uu ku dhawaaqay hankiisa siyaasadeed ee la xidhiidha doonista kursiga guddoomiye ku xigeenka 1aad aanay taasi u cuntamin Guddoomiye Faysal oo isagu ugu dambayn xisbiga WADDANI la qaatay in kursigaasi la siiyo Cumar Jaamac Faarax oo isaga laftiisu ka soo baxay xisbiga UCID kana soo baxay Gobolka Sanaag.

Siyaasi Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Qodax oo maalintii go’aanka is-bahaysigu soo baxay mar kale ku celiyay in uu wali ku jiro hankiisii tartanka ku xigeenka koowaad ee Golaha wakiilada ayaa keentay in ay dibadda u soo baxdo in aanay isaga iyo xisbigiisu arrintaasi ku wada socon.

Isku dayo wargeyska Foore ku sameeyey bal in uu xaaladdan siyaasadeed wax kaga waydiiyo Xildhibaan Qodax ayaanay noo suurto galin kadib markii aanu ku waynay khadka telefankiisa gacanta oo aanu dhawr jeer kula xidhiidhnay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here