Qaabkii Layaabka Lahaa Ee Loo Afduubay Xafsa, Taangi Biyood Oo Lagu Dhex Riday Iyo Qaabkii Ciidamadu Uga Soo Badbaadiyeen Afduubayaasha

0
417

Nairobi, June 21, 2021- (Foore)- Xafsa Maxamed Luqmaan oo ah gabadh Soomaaliyeed oo 23 jir ah, oo dhowaan lagu waayey xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa waxaa soo badbaadiyey booliska magaalada Kayole, oo lagu haystay. Xafsa oo ku nooleyd Xaafada California Estate ee magaalada Nairobi, waxaana sida la xaqiijiyey la afduubtay Salaasadii hore oo ay taariikhda ku beegneyd 15-ka June 2021.

Waxaa laga soo badbaadiyay guri cidlo ah oo ku yaal Matopeni oo ka tirsan xaafadda isku raranta ah ee Kayole ee magaalada Nairobi, halkaas oo lagu khasbay inay gasho Haan loogu talagalay in biyaha lagu kaydiyo. Xafsa ayaa laga waayey dukaan ay laheyd oo lagu iibiyo kabaha oo ku yaal xaafadda Islii shan maalmood ka hor, iyada oo afduubayaashu ay ka dalbadeen reerka madax furasho lacageed oo gaareysa 5 million oo lacagta Kenya ah. Xubnaha qoyska gabadhan la afduubay oo la hadlay wargeyska The Standard ayaa sheegay in aanay bixin madax furashada ay ka dalbadeen afduubayaashu. Baadhayaasha waday howlgalka samata-bixinta ayaa sheegay in baadhitaano ay ku hayeen kuwa la tuhunsan yahay, waxayna soo xidheen nin 24 jir ah oo kiiskan loo haysto.

Ku xigeenka madaxa warfaafinta ee Kayole Rioba Gisiri  ayaa sheegay in haweeneyda la helay shalay abaaro 10-kii subaxnimo, wuxuuna sheegay inay ku jirtay xaalad dagan inkastoo qaar ka mid ah faraha ay nabarro ka soo gaadheen. “Waxaan cunno ka helnay gurigii lagaga tagay oo ay ku hayeen kuwa afduubayaasha ah, laakiin marnaba ma cunin wixii ay afduubayaashu u keeneen,” ayuu yidhi taliyaha Booliska. Gisiri wuxuu sheegay in afduubayaashu ay kaga tageen guriga buug yar oo ay adeegsanayeen xilli ay weydiisanayeen madax furasho, wuxuuna buugaas ku tilmaamay inuu yahay buug xusuus qor ah oo soo jiitay dareenka deriska. Wuxuu intaas ku daray in markii ay deriska isku dayeen inay eegaan waxa ku qoran buugga inay mar qudha maqleen dhawaqa Xafsa oo dalbaneyso in caawimaad deg deg ah loo sameeyo taasoo keentay in deriska ay la xidhiidhaan booliska.

Booliska oo sameenayey howlgal wadajir ah ayaa booqday guriga farriinta laga soo gaadhsiiyey, balse waxay tageen dembiilayaashii oo ka maqan meesha iyo gabadha la afduubtay oo weli ku xidhan guriga, inkasta oo mid ka mid ah ragga afduubka lagu tuhmayo dib laga soo qabtay. Ugu dambeyntii Booliska oo Xafsa kasoo badbaadiyey guriga lagu afduubtay ayaa geeyey saldhigga Booliska ee Kayole halkaas oo ay ku duubtay hadaladeeda. Kahor intaan la waayin, duubista kaamirooyinka ilaalada ee dukaankeeda ayaa muujisay inay dukaanka soo gashay 4:44 pm ee Salaasadii iyada oo ay la socotay haweeney kale oo magaceeda lagu sheegay Xafsa Cabdiwahaab. Booliska ayaa wada baadhitaan ku aadan qaabka loo afduubtay Gabadhan, waxayna sheegeen inay dhawaan saxaafadda la wadaagi doonaan macluumaad dheeri ah oo ku saabsan afduubka Xafsa.

Tiraba illaa dhawr haween ah oo kale ayaa la la’yahay oo qaarkood goobo kala duwan laga helay maydkooda iyo kuwo kale oo wali lala maqan yahay waana soomaalida ku nool Kenya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here