-Qoyskiina oo hidde taariikheed u leh Kansarka.
-Adiga oo si joogto ah u isticmaali jiray sigaarka ama shiishadda
-Adiga oo si joogta ah u cabi jiray khamriga
-Adiga oo intaad noolayd cuni jiray ,cunto dux aad u badan leh.
-Iyada oo uu kugu dhacay shucaac kiimiko sida shucaacaa loo yaqaan Ultraviolet rays.
-Adiga oo muddo qaatay walxo kimiko ah shaqadaada awgeed sida, biraha qaarkood ama waxyaabaha isku darsan sida e.g asbestos, nickel, cadmium, uranium iyo benzene.
Calaamadaha Ku Habboon In Loo Fiirsado:
Isbeddel ku dhaca dabeecadaha saxaro mareenka ama kaadi mareenka: ka eeg oo u fiirso calool istaagga raagay, shuban, saxarada oo qiyaastiisu isbedesha, kaadida oo ku xanuunaysa muddo badan, taasoo markii la baadho la garan waayo sababta keentay.
Xanuun aan bogsanayn meel jidhkaaga ka mid ah ama afkaaga: Afka ka eeg nabar joogta ah, gaar ahaan haddii aad sigaarka cabto, tubaako, ama aad cabto khamriga.. Sidoo kale waxaad eegtaa in ay jirto calaamad ama ka soo baxyo aan tegayn oo waqti dheer jooga, ama wax dildilaac ah oo jirkaaga ka muuqda, boog ama ka soo bax debnaha (bishimaha) dushooda ama afka hoostiisa ka soo baxa kuwaas oo aan bogsanayne.
Dhiig Aan Cadi Ahayn Ama Qoyaan Socda: dhiig walamadka ka yimaad ama dhiig saxarada la socda (Xaar Madow), dhiig kaadida la socda ama ibta ka yimaadda oo joogto ah..
Qaro Weynaan Ama Ka Soo Bax Aan Caadi Ahayn Ama Barrar, Aad Ku Aragto Meel Ka Mid Ah Jidhkaaga: Ka eeg cad ka soo bax ah; nasahaaga, xiniiyahaaga iyo qanjidhadaada, kuwaas oo noqon kara cad wareegsan ama mid hoose oo qaro weyn ama barrar , ama dheecaamo ka yimaad meelo jidhka ka mid ah ama isbeddel aan caadi ahayn oo sida badan lama moodo cadadka ka soo baxa kuwo kansar sida kuwa loo yaqaan buro biyoodka “Cysts”
Dheef Shiid Xumo Ama Liqid Kari La’aan: U fiirso oo eeg in xanuun iyo liqid kari la’aan wixii adag iyo wixii dareere ihi ku dhibaayaan.
Isbedelo Burooyin Ah Oo Yimaadda: U fiirso oo ka eeg burooyin cusub oo ka soo baxa jirka ama maqaarka korkiisa ama qaybo kale oo xubnahaaga ka mid ah., isbedel kasta oo ku dhaca burooyinka.
Qufac Xanuun Badan Ama Dhiig La Socda: Bal u fiirso in aad leedahay qufac xanuun badan markaad qufacayso ama wax dhiig ah kaa soo go’aayaan khaasatan haddii aad sigaarka cabtid.
Culayskaaga Oo Si Aan La Garanyn Hoos Ugu Dhaca: u fiirso culays kaaga oo uu ku yimaaddo hoos u dhac weyn (Si Lama Filaan Ah) oo aan la garanayn wax keenay. Taas oo noqon karta qiyaastii 10 rodol.
Xummad Iyo Dhidid Habeenkii Yimaad: Eeg oo u fiirso cabbirka heerkulka jidhkaaga, haddii uu ka sarreeyo 38 digrii oo santi geradh ah oo aad dareento xumad dhaaf una nuglaato xanuunnada sida hargab/duray soo noq noqda.
Daal: U fiirso in aad leedahay daal joogta ah .
Xanuun: u fiirso in aad leedahay lafo xanuun xoog badan ama xanuun xoog badan oo aad ka dareento qaybaha kale ee jidhkaaga.
Diirka Ama Maqaarka Jidhka Oo Isbeddela: Eeg oo u fiirso isbedel ku yimaada midabka aragtida diirkaaga, kaas oo noqon kara madow, dacar ama huruud, ama casaan amaba yeesha cun cun.
Madax Xanuun: Eeg oo u fiirso madax xanuun ba’an kaas oo wata matag ka duwan kuwa cadiga ah kaas oo aan ka raysi lahayn markii la qaato daweyn muddooyin ah. Akhristow ogow haddii aad isku aragtid astaamahaan kore inaanay macnaheedu ahayn in aad Kansar qabtid, laakiin waa ifafaalo looga shakiyi karo cudurkan, fadlan dhakhtarkaaga la xidhiidh haddii aad faahfaahin dheeraad ah u baahatid ama shaki uu jiro.
Xaqiiqada Kansarka
Dad aad u tiro badan ayaa ka badbaada cudurka kansarka in ka badan intii hore sababtuna waxaaa weeyi hore u ogaanta iyo daaweynta oo ka badalan sidii hore iyo ogaansho iyo barasho fiican oo loo yeesho kansarka iyo calaamadiiisa xilli hore. Waxaa muhiim ah in aad barato dhismaha jidhkaaga si aad u ogaato wixii is beddel ah ee jidhkaaga ku yimaadda . Haddii wax is bedel ihi ku yimaaddaan jidhkaaga la xidhiidh Dhakhtarkaaga, haddii isbedelkaasi socdo muddo ka badan 2 usbuuc. Inta badan wuxuu ku dhacaa kansarku dadka ka weyn 60 jirka , laakiin kuma wada dhaco. Nooca kansaro tiro yar baa ku dhaca ragga da’doodu ka yar tahay 35 jir, sida kansarka ku dhaca xiniinyaha. Kansarku wuxuu kaloo ku dhici karaa dadka yar yar ee da’doodu ka hoosayso 14 jir.