Cuntooyin Ragga U Roon Oo Ninku Kaga Maarmi Karo Daawooyinka Ragannimada Kordhiya

0
885

Waxaa muhiim ah in aad ogaato howl-gabka kacsiga in ay qof walba oo rag ah noloshiisa mar uun soo marto, waxaa kaloo muhiim ah in aad ogaato in ay arintan ku meel gaadh u soo marto ragga iyadoo ku xidhan xaaladda nafsiyadeed ee ay ku jiraan, waxaa lagu qiyaasaa dhibka ugu weyn ee keena arintaan in ay tahay diiqadda ama welwelka ama is fahan la’aanta ama isku xumaanashaha lamaanaha kala dhex mara arrinkaasi oo keena in ninku aannu hawaysan kulanka sariirta.

Arrintan oo aad ka sii welweshid waxay adkayn kartaa xalka iyo in aad arinta u aragto wax wayn, taasina way sii daahin kartaa in aad noloshaada caadiga ku soo laabatid.

Markasta in daawo lagu dagdago sax ma aha, warbixin dheeraad ah oo ku saabsan arrintaan iyo waxyaabaha kale eee keeni kara howl-gabka kacsiga.

Maadaama ay arintan rag badan ka sheegtaan cabasho waxaa jira shirkado badan oo ku hawlan si ay dadkaas uga qaadan lahaayeen kharash iyagoo been abuur iyo daawooyin aan jirin ka iibiya oo u xayaysiiya, waxay shirkadaha qaar ay sameeyaan in ay iibiyaan geedo daaweedyo ama waxyaabo dabiici ah oo ay ku sheegaan sida malabka oo viagra-ha baddalkisia la qaadan karo, markii la baadhayna, waxaa dib laga ogaaday in ay daawada Viagra-da ku soo daraan. Sidaas awgeed waa in uu qofku taxadar muujiyo mar walba inuu wax warshad soo maray aanu ku dagdagin haddii lagu yidhaa dabiici weeyi. Dadku waxay sheegaan cunnooyin badan oo kala duwan in ay u roontahay xagga raganimada, waxyaabaha soomaalidu ay isla dhex marto waxaa ka mid ah: hilibka ama subaga qubada, basasha, kalluunka, malabka iyo waxyaabo kale oo badan laakiin maxaa arimahaasi ka jira?

Waxaan rabaa in aan halkan idiinku soo gudbiyo waxyaabaha dabiiciga ah ee cilmibaadhis lagu sameeyay oo la sheegay in ay waxtar u leeyihin dhinaca hammada ragga waxaana ka mid ah:

1- Arginine: maadadan waxay muhiim u tahay xagga raganimada waxaana laga helaa cunnooyinka qaar, waxayna jidhka ku kordhisaa maaddo kale oo loo yaqaan “nitric oxide”, tan oo ballaadhisa xididada arooriyaasha ee xubinta ragga si qulqulka dhiiggu ugu bato sidaana ay awood ku yeelato.

Waxaa jira dhowr cilmibaadhisood oo lagu sameeyay maadadan, kulligoodna isku waafaqeen in isbeddel la taaban karo laga dareemay. Cuntooyinka maaddadani aad ugu jirto waxaa ka mid ah: hilibka libaax badeedka, kaluunka tuunada, yuumbiga, qubada, aargosoatada, sisinta, lowska, waambaha, cabitaanka chocolate-ka kulul oo aan sokorta lagu darin iyo khudaarta Avocado-ha.

2- Dehydroepiandrosterone: Tani waa maaddada jidhku uu ka sameeyo hormoonka ragga ee “Testosterone” oo aad muhiim ugu ah xaga raganimada, iyadoo daawo ahaan oo la qaato ayay jirtaa laakiin waa in dhakhtar kuu qoraa oo qofkasta lama siin karo, cunnooyinka kobciya hormoonkan waxaa ka mid ah Qumbaha, buunshiga qamadiga iyo xayawaan badeed loo yaqaano “shrimp”, afsoomaalina lagu yidhaa faraley ama Haley.

3- Ginseng: waa geed daaweed laga helo dhulka qaaradda Asia khaas ahaan waddamada Korea, waxay cilmibaadhayaashu ay sheegaan in uu sida maaddada kor aan ku soo xusay ee Arginine u shaqeeyo, raggana aad wax ugu taro.

Waxa muhiim ah haddii aad isticmaalayso daawadan in aad dhakhtarkaaga kala tashato maxaa yeelay wuxuu hoos u dhigaa tayada daawooyinka qofka uu qaadanayo.

4- Pomegranate juice: waa casiirka ama biyaha laga miiro midhaha Rumaanka, casiirkan waxaa lagu yaqaanaa inuu caafimaadka wadnaha u roon yahay, cadaadiska dhiigana uu yareeyo, cilmibaadhis la daabacay sannadka 2007, waxaa lagu ogaaday in uu leeyahay faa’iido xagga raganimada ah, waana casiirka ragga da’da ah u roon dhinacyo badan markii la eego.

5- Yohimbe: waa geed ka baxa waddamada galbeedka Africa, waana geed aad loo isticmaali jiray inta aan Viagra-hu suuqa qabsanin, waxaa laga sameeyaa kaniinin loo yaqaano “Yohimbine” oo sida Viagraha loo isticmaalo, shirkadaha sameeya daawooyinka kiimikada ah sida “Viagraha” ayaa dagaal aad u culus ku qaaday geedkan oo joojiyay in daawo laga dhigo maadaama la daabacay qoraallo badan oo tilmaamayo in uu keeno dhibaatooyin xaga caafimaadka ah, laakiin dadka ku nool waddamada galbeedka Africa aad ayay u isticmaalaan, laakiin caalamka kale aad loogama yaqaano.

6- Epimedium: waa geed cows oo kale ah oo ka baxa dalka China, baadhitaan ka dib waxaa la ogaaday inuu leeyahay maaddo la yidhaa “icariin” oo u shaqeysa sidii “Viagra-ha” oo kale, dalka shiinaha aad ayaa looga isticmaalaa, waxayna dhakhaatiirta shiinuhu sheegaan inuu Viagra-ha aanu ka yaraysan, waxyeelo “side effects”ne in aanu lahayn.

TALO GUUD:

Qof walba waa inuu ku dadaalo waxyaabahaan soo socda si uu u helo caafimaad jinsi ah:

-Ku dadaal in aad cunto cunno caafimaad leh oo aan la soo warshadayn

-Jooji isticmaalka sigaarka, jaadka iyo khamriga

-Samee jimicsi joogto ah

-Welwelka iyo diiqadda iska yaree

-Ku dadaal in aad hesho hurdo  kugu filan

Intaasba waa inta ugu muhiimsan oo qof waliba uu samayn karo si uu uga fogaado dhibkan. Iyada oo in badan dadka maanta dunida ku nooli ka cawdaan rag iyo dumarba hoos u dhaca kaga yimaad dhinaca hammada ayay dhakhaatiirtu intaasi ku mashquulaan sidii ay dadka arrimahaasi ka cabanaya uga caawin lahaayeen iyaga oo cilmibaadhisyo ku jira, waxaana dhacday in dhawaan koox khubaro ahi soo saareen liis ka kooban shan nooc oo cunto ah oo la ogaaday in ay si weyn kor ugu qaadaan hammada ama doonista Galmada, waxaanay shantaa nooc kala yihiin:

  1. Shukulaatada (Chocolate): Waxa la ogaaday in uu si weyn kor ugu qaado dareenka hammo ee qofka aadamaha ah rag iyo dumarba. Inkasta oo aanay dhakhaatiirtu ku talin in la badsado oo cuntooyinka macmacaan wakhtiyadan dambe laga dayrinayo, hadana Shukulaatadu waxa ay xidhiidh weyn la leedahay wareegga dhiigga waxaanay firfircooni galisaa neerfayaasha. Waxaanay culimadu caddeeyeen in shukulaatadu kordhiso hormoonada jidhku soo daayo ee la xidhiidha jinsiga.
  2. Avocado (Afokaadho): Waa geed Furuutis ah oo sidiisa loo qaadan karo ama la shiido casiir ahaana loo cabbo. Geed khudradeedkani waxa uu leeyahay awood dheeraad ah oo uu qofka ka siiyo dhinaca doonista jinsiga isaga oo kor u qaadda hammigiisa. Dadka Mexican-ka ah oo geedkan markii ugu horraysay dunida beeran jiray waxa ay u yaqaanaan geedkii ragganimada iyaga oo u jeeda in uu kor u qaado hammiga ragga ee dhinaca doonista galmada.
  3. Malabka: inkasta oo sidiisaba Malabku daawo aad u qiimo badan yahay hadana waxa uu ka mid yahay oo cilmibaadhisyo badan lagu ogaaday in uu ragga iyo haweenkaba ka caawiyo kor u qaadka hammiga. Laba malqaacadood oo malab ah oo aad subaxdii ama habeenkii cuntada kadib ku tuurtaa waxa ay ku gayaysiisaa in laabtaadu doonto lammaanihii nolosha. Dadkii hore ee Muslimiinta ahaa waxa ay malabka aad u qaadan jireen bisha ugu horraysa ee Aqalgalka (Arooska). Khubarada caafimaadku waxa ay sheegaan in Malabku qani ku yahay maadada Fiitamiin (B) oo awoodeysa in qanjidhka Tosterone sii daayo dheecaano badan iyo waliba Estrogen.
  4. Basbaaska: Ha noqdo basbaas akhtarka ama marka la ridqo ee uu noqdo basbaaska cas ee shiidan. Waxa la ogaaday muddooyin hore in uu si weyn kor ugu qaado hammiga dhinaca jinsiga rag iyo haweenba. Roomaankii hore waxa ay Basbaaska siin jireen ragga iyo haweenka ka cawda in ay hoos u dhacday doonistooda galmadu. Waxa ku jira maaddo dhiigga caawisa in uu si sahlan u wada gaadho oo degdeg ah qaybaha kala duwan ee jidhka. Waxa kale oo uu Basbaasku qani ku yahay maadada loo yaqaano Androfine oo qofka maskaxdiisa dejisa (Happiness)
  5. Beedka: Qaadashada Beedka la kariyo ama cuntada lagu shiilaa waxa ay si weyn ugu wanaagsan tahay guud ahaan caafimaadka qofka. Beedku waxa uu dunidan casriga ah cunto ahaan kaga jiraa meeqaamka ugu sarreeya isaga iyo kalluunku sababta oo ah faa’iidadiisa oo la ogaaday muddo hore. Beedku waxa ay jidhka gayaysiiyaa deganaansho badan iyo in uu firfircooni galiyo maadaama ay ku jiraan Fiitamiino badani waana ta keenaysa in uu safka hore ka galo cuntooyinka hamiga qofka kordhiya. Waxaan ku soo gabagabaynayaa in haddii la helo lamaane is jecel oo is fahansan oo wixii cillad jira wada wadaago oo aan waxba kala qarsan in ay tahay aasaaska guusha sariirta, sababta aan sidaa u leeyahay waxay tahay, dhibka ugu badan ee qoysaska Soomaalidu aanay ogeyn ayaa ah in arrintan ay u baahan tahay wadaagis iyo isla wadis oo xalku aanu ahayn kaliya in hal qof xal keeni karo, haddii labada dhinacba xal loo helin, waxba hagaagi maayaan.

Qalinka: Somali Doctors (Dr. Cabdillaahi M. Mahdi)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here