Nin kalluumeysato ah oo ku nool dalka Mareykanka ayaa ka sheekeeyay sida uu uga badbaaday nibiri liqay xilli uu ku sugnaa xeebaha gobolka Massachusetts. Ninkan oo lagu magacaabo Michael Packard ayaa sheegay inuu liqay nibiriga xilli uu badda quusay. Ninkan ayaa la sheegay in 30 ilaa 40 ilbiriqsi uu ku dhex maqnaa caloosha nibiriga ka hor inta uusan soo tufin. Michael Packard isaga oo jahwareersan ayuu banaanka yimid, inkasta uusan dhawaac culus soo gaarin, waxaa kala fagaday jlibka.
Nibiriga ayaa dheereerkiisu gaaray 50 ft, waxaana lagu qiyaasaa culeyskiisa 36 tan, sida laga soo xigtay ha’yadda caalamiga ah ee ka shaqeysa ilaalinta duur joogta. Guud ahaan nibiriga ku nool dunida wuxuu gaarayaa 60,000. Mr Packard oo 56 jir ah wuxuu warbaahinta Cape Cod Times u sheegay in subaxnimadii Jimcaha aheyd uu weerar kusoo qaday nibiriga xilli ay saarnaayeen dooni yar. Kadib markii aan ka booday doonta oo aan quustay badda, waxaan dareemay wax culus oo isoo celiyay, waxaan galay mugdi” ayuu yidhi kalluumeystaha oo u warramayay warbaahinta.
Wuxuu u maleeyay in uu soo weeraray libaax badeed, “Waxaan ogaaday in uusan i qaniinin’
Mr Packard wuxuu ka dhawaajiyay in nibiriga uu soo tufay isla markaana uu badda dul sabeeyay.
“Wuu isoo tufay, waxaan dul sabeynayay badda, waxaana noqday qof xor ah, mana rumeysneyn arrintaas”
Saaxibadiisa ayaa usoo gurmaday isaga oo dul sabeynayo badda xilli uu xirnaa qalabka ay xirtaan bad maaxiinta, waxayna soo saareen dooni.
Waaxda gurmadka deg deg ah ee magaalada Provincetown ayaa sheegtay in uu soo gaaray wicitaan ah in gurmad loo fidiyo nin kalluumeysto oo dhawaac ahaa oo ku sugnaa xeebaha.
Waxaana lagu soo warramayaa in xaaladda ninkan kalluumeysatada ah ay wanaagsan tahay xilli laga soo saaray cisbitaal lagu daweynayay.
Akhriste intaasi haddii aan kaga gudubno qisadan layaabka leh bal aan eegno
Nibirigani dilaaaga ah ayaa qaban kara ama ku dhawaaqi kara erayada sida “hello” iyo”bye bye”.
Waxaa la rumaysan yahay in uu Nibirigani yahay kii ugu horeeyay ee hadalka bina’aadama ka daba dhihi kara ama erayada qaar qaban kara.
Nibirigan oo ah mid Dhiddig ah ayaa ku hadli kara dhowr xaraf oo uu baray tababare ku sugan dalka Faransiiska.
Waxyaabaha uu Nimirigani ku celceliyo ee uu qabto waxaa ka mid ah sida magaca “Amy” iyo lambarada”Hal, Labo,iyo saddex “.
Nibiriga ayaa ka mid ah xayawaano tiro yar oo baran kara dhawaqa erayada marka ay maqlaan kuna celin kara. “Waa mid nadir ah marka la eego xayawaanada naasleyda ah,” ayuu yidhi Dr Josep Call oo ka tirsan jaamacadda St Andrews, islamarkana ah cilmibaare. “Bina’aadamku waa mid uu ku fiican yahay ,balse waxa xiisaha leh ayaa ah in naasleyda sida wanaagsan ugu dhawaaqi kara ay yihiin kuwa badda ku jira.”ayuu intaa ku daray.
Cilmibaadhayaashani ayaa doonaya in ay ogaadaan in Nibirigani dilaaga ah uu baran karo erayo cusub isaga oo dadka ka daba dhahaya erayadaasi. Nibirigani dhidigga ah ayaa lagu magacaabaa Wikie waxana lagu xanaaneeyaa ugoob ka tirsan Aquarium Antibes, oo Faransiiska ka tirsan.Waxaa la baray in dadka uu ka daba dhaho erayada ,waana la duubay islamarkana waxaa laga dhex maqlayaa erayada sida hello iyo Amy. Dr Jose Abramson, oo ka tirsan jaamacadda Complutense oo ku taalla magaalada Madrid ee Spain, kana mid ah cilmibaadhayaasha ayaa sheegay in”gundhiga wada shaykaysi lala yeesho Nibirigani lagu magacaabo Wikie maalin uun ay suuragal noqon doonto. Xaaladdan ayay dad badani rumaysan waayeenbalse waxa ay noqotay mid si weyn looga hadal hayo dalka ay ka dhacday.