Waa Maxay Hadyadda Madaxweynaha Maraykanku Siiyey Ra’iisal Wasaare Boris Johnson Ee Warbaahintu Hadal Haysaa?

0
408

Maalmihii ugu dambeeyey waxa ay warbaahinta Maraykanka iyo tan Ingiriisku si weyn u hadal haysaa hadyad uu Madaxweynaha Maraykanku siiyey Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska muddoda uu socdo shirka dalalka quwadaha waaweyn ee G7. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa baaskiil haddiyaad ahaan u siiyay Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson markii ugu horreysay ay ku kulmeen shirkada madaxda G7 uga socday goobta dalxiiska ku habboon ee Koonfur Galbeed dalka Ingiriiska. Waxaa baaskiilkan la guddonsiiyay Boris Johnson sameysay shirkad ku taalla magaalada Philadelphia ee dalka Mareykanka, wuxuu ku qaatay sameyntiisa bilooyin. Baaskiilka ayaa lagu xardhay midabo kala duwan oo isugu jira Casaan, caddaan iyo buluuga. Ra’iisul Wasaaraha UK ayaa inta badan lagu arki jiray waddooyinka London isaga oo kaxeynaya baaskiil. Boris Johnson ayaa isagana dhawaan haddiyaad ahaan u siiyay Biden sawir muujinaya olole looga soo horjeedo addoonsigii Mareykanka. Sawirka waxaa ka muuqdaa nin hore loo addoonsaday oo qarnigii 19-aad horkacayay dhaqdhaqaaq ka dhan ah tallaabadaas. Baaskiilka uu siiyay madaxweynaha Mareykanku Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska ayaa waxaa sameysay shirkad lagu magacaabo Bilenky, waxaana ku howlanaa hagaajintiisa afar qof oo loo xil saaray.

Madaxweynaha Mareykanka Biden ayaa 23-kii bishii May la xidhiidhay mulkiilaha shirkadda Stephen Bilenky wuxuuna kala hadlay naqshadeynta baaskiilka iyo sidii uu usoo saari lahaa koofiyad u eg midibka baaskiilka taas oo u xidho qofka kaxeynayaa, sida ay ku warrantay warbaahin kasoo baxda Philadelphia. Waxaa la sheegay in kharashka ku baxay soo saarista baaskiilka uu gaadhayo $1,500 oo doolar, waana saddex meelood meel qiimaha ugu hoseeya ay shirkadda wax kusoo saarta. Mr Bilenky wuxuu aqbalay codsiga uu usoo jeediyay madaxweynaha si u sare ugu qaado sumcadda shirkaddiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here