“Markii Ay UCID Iyo KULMIYE Is-bahaysiga Samaysteen 2005 Madaxweyne Rayaale Muu Odhan Isaaq Baa Ii Heshiiyey, Muusena Wuxuu Yidhi”..Guddoomiye Faysal

0
370

Hargeysa, June 14, 2021-(Foore)- Xubno Wasiiro ah oo ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa la sheegay inay waddaan falal guracan,kuwaas oo ah qaar dhaawacaya sumcada Somaliland ay ka heshay Doorashooyinkii dalka ka dhacay ee Golayaasha Degaanka iyo Wakiillada,waxaana la sheegay inay lacago la wareegayaan suuqyadda Magaalooyinka dalka ,isla markaana  ay waddaan falal lagu kale qaybinayo Bulshada reer Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo arrintaas ka hadlay ayaa ugu baaqay Madaxweyne Biixi inuu wax ka qabto arrintaas “Sharaf ayeynu ku helnay doorashadii dalka ka dhacday tu labaadna waxaynu ku helnay mucaaradkaa helay aqlabiyadda,markaa waxa aanu ku waaninayaa Madaxweynaha inuu wasiiraddiisa suuqa la ordaya Lacagta iyo tollaayda haya inuu qabto oo aanay inaga shaashayn.”ayuu yidhi

Dhanka kalene Guddoomiye Faysal ayaa sheegay in isbahaysiga Xisbiyadda ay sax tahay, waxaanu sheegay in sannadkii 2005-tii ay midoobeen Xisbiyadda KULMIYE iyo UCID “2005-kii KULMIYE iyo UCID wey heshiyeen labada Xisbi waxa ka madax ahaa  laba nin oo reer Sheekh isaxaaqa Riyaale muu odhan Reer Sheekh Isaxaaq ayaa iskugu key tegaya ,markaa naga jooji bahasha anniga iyo Cirro halka aanu kale marayno waad ogtahay annaga hana toollayn laba walaalo ahi laba Xisbi Madax ayey ka noqon karraan ,waa in uu Madaxweynaha afkiisa ka wanaagsanaado afka kuwa war-baahinta baraha Bulshada ka yidhaah-da Dawladda Somaliland reer ayaa leh waa inuu ka duwanaadaa iska afkiisu,lakiin isku luuqad ayey noqdeen .”

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa waxa kale oo uu sheegay in haddalada Madaxweyne Biixi uu yidhaah loo geeyo,waxa uu ugu baaqay Madaxweynaha inuu iska daayo haddalada kale qaybinaya Bulshada ee nacaybka abuuraya “Madaxweyne waxa aad ka tidhaah Madaxtooyadda habeenkii ayaa na loo keenaa,weliba waanu xishoonaynaa waxa aanu nidhaah-naa yaan aduunku idin maqlin ee hoos u dhiga,dee adna yaanu aduunka ina maqlin ee hoos u dhig bahasha ayaan leehay Madaxweynaha .”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here