Hargeysa, June 14, 2021- (Foore)- Qoraal ka soo baxay Maxkamadda sare ee Somaliland oo lagu socodsiiyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayay maxkamaddu ku sheegtay ansixinta natiijada doorashada Golayaasha Deegaanka ee dalka oo ka koobnaa 20 degmo-doorasho oo ay soo gudbiyeen maxkamadaha Gobollada iyo maxkamadaha G/Degmo, taasi oo ay Maxkamaddu wasaaradda Daakhiliga amar ku siisay in ay ku soo saaraan jadwalka fadhiyada 1aad si loo dhaariyo.
Markii haddaba qoraalkaasi soo gaadhay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha somaliland Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed waxa uu isna soo saaray Jadwalka fadhiyada Golayaasha Deegaanka ee dalka oo ka kooban 20 Degmo-doorasho iyada oo Magaalooyinka Berbera, Boorama iyo CeelAfweyn ay maanta oo Isniin ah fadhiisan doonaan Golayaashoodu sidaana ku dooran doonaan hogaankooda.
Shaxda Ansixinta iyo Kalfadhiyada koowaad ee uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Guddaha ayaa war-qad qoraal ah oo uu saaray waxa ay u dhignayd Sidan hoose:
Magacaga Degmooyinka Maalinta Asnsixinta Kalfadhiga Koobaad
- Berbera 14.06.2021 15.06.2021
- Sheeka 16.06.2021 16.06.2021
- Gabiley 15.06.2021 17.06.2021
- Caynaba 15.06.2021 16.06.2021
- Burco 15.06.2021 19.06.2021
- Buuhoodle 17.06.2021 17.06.2021
- Taleex 15.06.2021 16.06.2021
- Laascanood 17.06.2021 19.06.2021
- Xudun 17.06.2021 17.06.2021
- Balligubadle 17.06.2021 17.06.2021
- Gar-adag 13.06.2021 14.06.2021
- Ceel-afweyn 14.06.2021 15.06.2021
- Boorama 14.06.2021 16.06.2021
- Baki 16.06.2021 17.06.2021
- Lughaya 20.06.2021 21.06.2021
- Saylac 22.06.2021 23.06.2021
- Hargeysa 15.06.2021 17.06.2021
- Sallaxley 17.06.2021 17.06.2021
- Oodweyne 17.06.2021 17.06.2021
- Ceerigaabo 16.06.2021 19.06.2021
Dhanka kale e Wasiir Kaahin ayaa farriin u diray Badhasaabada Gobollada Dalka iyo Xildhibaanadda la doortay ee Golayaasha degaanka dalka “Sida Xeerku uu qorayo Badhasaabada Gobollada ayaa fadhiisinaaya kalfadhiga ugu horeeya, halkaas oo lagu dooranayo Maayaradda iyo ku-xigeenadooda,waxaan u rejaynaa Guddoomiyayaasha Gobollada inuu illaahay hawshood au sahlo,Golayaasha degaankuna iyaga oo ixtiraamaya sharciyadda ay ku noqonayaan Gole degaan ,maalinta qolo walba aan yeedhiyey ee la dhaariyo ayey yihiin Xildhibaano Gole degaan.”