Xisbiga KULMIYE Oo Ka Hadlay Is-Bahaysiga Siyaasadeed Ee Ay Samaysteen Xisbiyada Mucaaridku Iyo Doorashooyinkii Isku Sidkanaa Ee Dalka Ka Dhacay

0
406

Hargeysa, June 7, 2021-(Foore)- Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Dheere ayaa ka hadlay doorashooyinkii dalka ka qabsoomay ee Golayaasha degaanka iyo Wakiillada,kuwaas oo uu sheegay inay Somaliland taariikhda u galeen,waxaanu amaan u soo jeediyey shacabka reer Somaliland iyo Xisbiyadda Qaranka .

Guddoomiye Axmed Cabdi Dheere oo war-baahinta kula hadlay xarunta guud ee Xisbiga KULMIYE ayaa sheegay sidan:-“Waxa inoo soo gebogebowday doorashooyinkii Somaliland ka dhacayey ee isku sidkanaa,doorashadii Golaha Barlamaanka iyo Golaha Degaanka ,illaahay ayaa mahad leh inoogu soo dhammeeyey Nabad-gelyo, waxa aan halkan ka hambalyeynayaa dhammaan shacabka reer Somaliland laga soo bilaabo diiwaangelintii sidii ay u galeen iyo kaadh qaadashadii wakhtigii ay ku bixiyeen iyo dedaalkii iyo maalintii doorashada oo kulayl ahayd oo meelaha qaarkood aan safafka marnaba ka bixin oo dalaayadaha iyo karaatoonta hadhsanayey aad iyo aad ayaan ugu mahad-naqayaa,ujeedadoodu dadkaa waxay ahayd  in ay ka midho dhaliyaan Jamhuuriyadda Somaliland geedi socodkeeda, lakiin ujeedada keliya ee ay Somaliland shacabkeeda, Mucaaradkeeda iyo muxaafidkeeda iyo ciidankeedu ay cad-ceeda u taagnayeen waxay ahayd guushaa aynu joogno maanta,.”

Dhanka Kalena Guddoomiye Axmed Cabdi Dheere ayaa  sheegay in Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddu ay ku faraxsan yihiin sidii ay doorashooyinkaas u dhaceen “Xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisu waxay aad iyo aad ugu faraxsan yihiin,doorashadaasu sidii ay u dhacday oo aan caalamkii inagala qayb-qaadan jiray ,haddii ay dhaqaale tahay iyo haddii ay nabad-gelyo tahay labadaba ,ciidankeena iyo Jamhuuriyaddeena Somaliland iyo shacab, Mucaarad iyo muxaafid aynu isku kaashanay.”

Waxa uu intaas ku sii daray Guddoomiye Axmed Cabdi Dheere “Doorashadii wey inoo soo gebogebowday golihii degaanka iyo Golihii Barlamaankaba, waxa inoo taal  sidaa nabad-gelyadda ah  ee ay inoogu soo gebogebowday in aynu ku tashano oo aynu dalkeena maalin walba meel u qaadno.”ayuu yidhi.

Gunaanadkii Guddoomiye Axmed Cabdi Dheere ayaa mar uu ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey sida uu u arko isbahaysiga Xisbiyadda Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI ayaa yidhi “isbahaysiga ay labada xisbi ku dhawaqeen, xaq ayey u leeyihiin inay samaystaan,waa Xisbiyo mucaarad ah  inay isku tagaan waa sax.” ayuu yidhi Axmed Cabdi Dheere.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here