Sidee Codadka U Kala Haleen 51-kii Musharrax Ee U Tartamay Golaha Deegaanka Hargeysa, Codadka Ay Heleen Iyo Ragga Guushu Raacday

0
676

Hargeysa, June 7, 2021- (Foore)- Koomishanka doorashooyinka qaranka oo habeen hore saqdii dhexe ku dhawaaqay natiijada ugu dambaysay ee la wada sugayay oo ahayd sida ay axsaabta qaranku ugu kala guulaysteen kuraasta loo tartamayay ee Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa kadib markii hore dhammaanba Gobolada kale loogu dahwaaqay waxa ay go’aamisay in ugu dambayn Xisbiyada qaranku ku kala calaf qaadeen xubnaha ugu matali doona xildhibaannada Golaha Deegaanka Hargeysa iyada oo xildhibaan Cabdikariin Axmed Mooge oo ka tirsan WADDANI uu ku soo baxay tiradii ugu badnayd ee xildhibaan gole deegaan ahi ku soo baxo. Golaha Deegaanka waxa xildhibaannada ugu badan ka helay WADDANI oo ku guulaystay 7 Xildhibaan halka KULMIYE helay 6 Xildhibaan, UCID-na helay 4 Xildhibaan.

Waxa aan halkan idiinku soo gudbin doonaa min 17-ka liiska xildhibaannada Golaha Deegaanka Hareysa uga tartamay xisbiyada qaranka, codadka ay heleen iyo sida ay u kala sarreeyeen waxaanay yihiin sidan:

Xisbiga UCID:

  1. Xuseen Ibraahim Askar – 4338- Soo Baxay
  2. Siciid Cabdisamad Axmed – 4194- Soo Baxay
  3. Cabdikariin Xasan Cabdi – 4649- Soo Baxay
  4. Khadar Axmed Cumar – 3163- Soo Baxay
  5. Maxamed Xuseen Faarax – 3039- Hadhay
  6. Maxamed Boqor Axmed – 2982- Hadhay
  7. Cabdillaahi Cali Xasan – 2417- Hadhay
  8. Cabdi Xuseen Aadan – 2158- Hadhay
  9. C/risaaq Ismaaciil Xasan – 1966- Hadhay
  10. Guuleed Maxamed Ismaaciil – 1897- Hadhay
  11. Maxamed Aw Aadan Wayrax – 1664- Hadhay
  12. Maxamed Cabdillaahi Axmed – 1639 – Hadhay
  13. Maxamed Cali Muuse – 1490 – Hadhay
  14. C/raxmaan Yuusuf Cali – 1355- Hadhay
  15. Siddiiq Xasan Cali – 1197- Hadhay
  16. Deeq Jaamac Caabi – 955- Hadhay
  17. Muuse Daahir Yuusuf – 129- Hadhay

Xisbiga KULMIYE:

  1. Aadan Jaamac Xaddi Mideeye – 8992- Soo Baxay
  2. Siciid Jaamac Cali – 7653- Soo Baxay
  3. C/raxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco – 7259- Soo Baxay
  4. Jamaal Cismaan Cabdillaahi – 6605- Soo Baxay
  5. Axmed Yoonis Aadan Juxa – 6271 – Soo Baxay
  6. Maxamed Abiib Cismaan Sikaawi – 4222- Soo Baxay
  7. Maxamuud Cabdi Cilmi – 4051- Hadhay
  8. Cabdiwahaab Sh. Maxamed – 3749- Hadhay
  9. Daahir Sacad Xasan – 3660- Hadhay
  10. Cabdiqaadir Iimaan Warsame – 3458- Hadhay
  11. Siciid Yuusuf Aadan Garaw – 2877- Hadhay
  12. Fadxi Jaamac Baaruud – 2732- Hadhay
  13. Kayse Xasan Ismaaciil – 2160- Hadhay
  14. C/llaahi Maxamed Rooble- 1996- Hadhay
  15. Mustafe Axmed Cilmi – 1996- Hadhay
  16. Mustafe Cabdi Cali – 1808- Hadhay
  17. Axmed Siyaad Muxumed – 987- Hadhay

Xisbiga WADDANI:

  1. C/kariin Axmed Mooge – 26299- Soo Baxay
  2. Yaasiin Cumar Cabdi Ileeye – 5412- Soo Baxay
  3. Ismaaciil Muuse Sh. – 5353- Soo Baxay
  4. Faysal C/raxmaan Xirsi- 5180- Soo Baxay
  5. Cabdi Maxamed Faarax – 4581- Soo Baxay
  6. Mawliid Maxamed Giirre – 4374- Soo Baxay
  7. C/raxmaan C/llaahi Maxamed- 3952- Soo Baxay
  8. Caydaruus C/samad Maxamed – 3398- Hadhay
  9. Muuse Maxamed Ducaale – 3294- Hadhay
  10. Idiris Cabdi Maxamed – 3224- Hadhay
  11. C/raxmaan Axmed Aadan – 3140- Hadhay
  12. Khadar Maxamed Muxumed – 2694- Hadhay
  13. C/llaahi Maxamed Gaaxnug – 2352- Hadhay
  14. Cali Barre Xuseen – 2271- Hadhay
  15. Siciid Xuseen Guuleed- 1491- Hadhay
  16. Mawliid Kayse Muxumed – 1144- Hadhay
  17. Mukhtaar Axmed Aadan – 976- Hadhay

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here