Berbera, June 7, 2021-(Foore)-Warar Wargeyska Foore ka helayo illo wareedyo rasmi ah oo ku kale sugan Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera,ayaa xaqiijyey in xubno iskugu jira madax-dhaqameed Xildhibaano iyo siyaasiyeen ka soo jeeda Beesha Guddoomiye Cirro ay Magaalada Berbera ku sugan yihiin, kuwaas oo halkaas u tegay sidii ay Xildhibaanada Golaha Degaanka ee Beesha u soo baxay ay ugu tash kiilin lahayeen inay codka siiyaan Maayarkii hore ee Magaalada Berbere,si uu u helo fursad uu mar kale ku hanto kursiga Maayarnimada.
Ilaha -arrimaha u dhuun-daloola ee aanu xoggahan ka helnay ayaa sheegay in Guddoomiyaha Beesha Xariir Jaamac Yasir (Dhako Buur ) iyo xubno kale oo madax-dhaqameedka Beesha Muuse Cabdle kamid ahi ay doorashada ka hore heshiis kula galeen Magaalada Berbera Maayarkii hore ee degmadaas Cabdishakuur Cidin,kaas oo nuxurkiisu ahaa in Beesha Xildhibaanada Golaha Degaanka u soo baxaa ay codka siin doonnaan Ex Mayar Cidin si uu mar kale u noqdo Maayarka Berbera, waxaana la sheegay in ay dhammaystirka arrinkaas hadda u tageen Berbera,isla markaana ay Xildhibaanadii u soo baxay Beesha ay kullamo arrintaas ku saabsan ay la yeesheen qaarkood
Dhanka kalene Xildhibaan Siciid Cabdilaahi Yasir oo kamid ah Xildhibaanada Guurtida Somaliland,isla markaana saxiib dhaw ay yihiin Madaxweyne Biixi ayaa isna Berbera u tegay sidii uu door uga qaadan lahaa arrintaas,isla markaana ay Xildhibaanada Beesha u soo baxay ay codka u siin lahayeen Cabdishakuur Cidin.
Geesta kalena xoggaha aanu helnay ayaa intaas ku daray in qaar kamid ah Madax-dhaqameedka Beesha oo uu hoggaamiyenayo Guddoomiye Xariir iyo Xildhibaan Siciid Cabdilahi yasir ay kullamo hoose Magaalada Berbera kula yeesheen Xildhibaanada,kuwaas oo ay kale hadleen sidii ay codka u siin lahayeen Cabdishakuur Cidin si uu mar kale u noqdo Maayarka Berbera,isla markaana qaar kamid Xildhibaanada ayaa loo ballan-qaaday ku-xigeenimadda Maayarka oo ay beeshu leeday mar walba,waxaynu dhawrna halka ay saldhigato xaajadu iyo dedaalada ay xubnahaas ku doonayaan in cidin mar kale maayarka Berbera noqdo inay guulaystaan iyo in ay guul-darraystaan .