Hargeysa, June 7, 2021- (Foore)- Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland wakhtiganna ah siyaasi madax bannaan oo aan wali shaacin in uu si rasmi ah uga baxay KULMIYE balse mucaarid culus ku ah Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu ka hadlay is baddalka ay codkooda ku muujiyeen shacabka magaalada Hargeysa ee caasimaddu kadib markii ay xildhibaannada is baddal doonka ah ee xisbiyada qaranka gaar ahaan mucaaridka ku doorteen aqlabiyad iyo codad aad u badan waxaanu siyaasi Maxamuud Xaashi arrintaasi ku tilmaamay mid muujinaysa sida ay shacabka Hargeysa u muujiyeen is baddalka ay u oomman yihiin.
Siyaasi Maxamuud Xaashi cabdi ayaa waxa uu dardaaran u jeediyey xildhibaannada golayaasha loo doortay gaar ahaan kuwa Hargeysi dooratay oo uu sheegay in culays badani saaran yahay iyo sida ay wax uga qaban karaan baahiyaha is biirsaday ee sugaya oo ku noqon doonta imtixaan.
Ninkii hadlayaaba ha iska hadlee, alleylehe Hargeysi way hadashay.
Xadiga cododka xad dhaafka ah, ee xildhibaan Barkhad Batuun iyo C/kariin Axmed Mooge, maanta ay heleen, waa kuwo ugub ku ah saaxada doorashooyinka goloha wakiilada iyo golaha degaanka jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaa hubaal ah, in arrintani ka turjumayso bilowga iyo balaysinka bisaylka bulshada reer Hargeysa. Sidookale, waxay ka turjumaysaa boholyoowga iyo baahida loo qabo xildhibaano qaran, oo aan lagu soo dooran isirkooda iyo ardaayadooda. Hasayeeshee, lagu soo doorto aragtidooda, aqoontooda, iyo iimaankooda. Eebe mahadii, tani waa talaabo loo qaaday xagga wanaagsan. Beynoow!, saaka ayuun baan arkaa in uu hirgalay, halku dhigii hagaasay ee aanu adeegsan jirnay, odayadayadii reer Kulmiye xilligii ololaha doorashada madaxtooyada 2017-kii, kaas oo ahaa (Horaa loo soconayaa) iyo (Bari maanta ka fiican) . Hambalyo bulshada Somaliland. Hambalyo labadan xildhibaan, iyo kuwa kale ee guulaystayba.
Ninkii hadlayaaba hayska hadlee, alleylehe Hargeysi way hadashay. Ha beenaan baan leeyahay. Dareenkani waa fariin cad oo ka timi cod bixiyayaasha caasimada dalka waxaan leeyahay haldoorku wuu garanayaa, hasayeeshee hebed, hiin-raac, hanfade iyo nin hunguri qaatay oo dan gaar ah ku haliilayaa toona loo sheegi maayo.
Ugu danbayn, waxaan leeyahay saaxiibaday xil Barkhad iyo C/kariin, taageerayaashiinii u badnaa da’yarta waxay xaqiijiyeen hamigoodii, waxay rumeeyeen riyadiinii iyo rajadiinii siyaasadeed. Balse nimay ku hadhay ayay hawli haysaa, ee waxaa si weyn loo eegayaa sida aad uga abaal-celisaan codadka amaahda ah ee la idin siiyay. Taas oo nasiib wanaag aanay asaagiin helin.
Saaxiibayaal, murti soomaaliyeed baa tidhaahda (nasab waakii abaal guda).
Qalinka: Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiirkii hore ee madaxtoyada.