Nairobi, June 3, 2021- (Foore)- Madaxweynaha Congo-Brazzaville, Denis Sassou-Nguesso ayaa wiilkiisa Denis-Christel u magacaabay wasiir – waa tallaabo ay warbaahinta u fasirteen in niyadda uu ku hayo inuu isaga baddelo. Denis Sassou-Nguesso ayaa markale dib loo doortay bishii Maarij ka dib markii uu dalkaasi xukumayay, tan iyo intii xornimada uu qaatay dalkaas, balse ilaa iyo hadda ma muuqato caalamado muujinaya in 77 sano jirkan uu baneynayo xilka. Waxaa loo arkaa in wiilkiisa Denis uu qaadayo tallaabadii uu aabihii xukunka ugala wareegi lahaa.
Dhanka kale dalka dariska la ah ee Gabon waxaa madaxweyne ka ah Ali Bongo Ondimba, waa wiilka uu dhalay Omar Bongo oo dalkaasi xukumayay laga soo bilaabo sannadkii 1976-dii ilaa 2009-kii, halka dalka Jamhuuiyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo uu muddo 17 sano ah uu xukumayay Joseph Kabila oo aabihii Laurent-Désiré, oo la dilay, uu xilka kala wareegay sannadkii 2001-dii.
Madaxweynaha Equatorial Guinea, Teodoro Obiang, oo talada dalkaasi hayay tan sannadkii 1979-kii oo xukunka kala wareegay adeerkii, Macías Nguema, ayaa hadana wiilkiisa Teodoro Nguema Obiang Mangue, ka dhigay madaxweyne ku xigeen, taas oo macneheedu yahay inuu isaga kala wareegi doono xilka.
Ka dib markii uu geeriyooday madaxweynihii Chad, Idriss Déby, bishii la soo dhaafay, wiilkiisa Mahamat oo ah janaraal afar xidigle ah, ayaa durbadiiba noqday hogaamiyaha militariga xilgaarsiinta ee dalkaas.
Iyada oo ay jirto jilicsanaanta siyaasadeed ee Chad oo toddobaadyo ka hor lagu dilay keli taliye Idiris Déby, oo xukumayay muddo soddon sano ah, haddana caqabado waaweyn ayuu wajahay wiilkiisa Mahamat.
Dalka Cameroon, waxaa la soo sheegayaa suurtogalnimada ah in madaxweyne Paul Biya, oo 88 sanno jir, uu xilka ku wareejin doono wiilkiisa Franck Biya.
Arrintan ayaa soo shaacbaxday ka dib markii sawirka Franck Biya ay muwaadiniinta bilaabeen in ay baraha bulshada ku wadaagaan si ay olole ugu sameeyaan.
dhanka dalka Uganda na, haatan waxaa baraha bulshada lagu arkayaa olole loo sameeynayo Janaraal Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweyne Yoweri Museveni. Janaraalka ayaa la sheegayaa inuu noqon doono qofka doorashada soo socota ee 2026-ka xisbiga talada haya u noqon doono musharaxa xilka madaxweynaha.
Gabon: Qorshaha qoyska kowaad
Kaliye maahan arrimahan kuwa iyaga gaar u ah. Doorashadii Gabon ee sannadkii 2016-kii, Cali Bongo waxa uu wajahay wasiirkii hore ee arrimaha dibada ahaan jiray madaxa guddiga midowga afrika, Jean Ping. Si kastaba ha noqotee, Ping wuxuu keenay ujeedo siyaasadeed oo aasaasi ah, isagoo sheegay in uu yahay nin dowlad ah oo wajahaya mucaaradnimo oo kormeeri kara dib-u-habeynta iyo dimuqraadiyadda dhabta ah.
Shan sano ka dib, wali ma uusan qiranin guuldaradii uu kala kulmay tartankaas, iyada oo ay jiraan su’aalo culus oo ku saabsan kalsoonida lagu qabo natiijada codbixintii ugu dambeysay oo si ciriiri ah u go’aamisay natiijada madaxweynaha.
Sidoo kale Dhibaatooyin noocyo kale duwan ah ayaa hareeyay xukunka Equatorial Guinea, oo weli gebi ahaanba awood badan leh, laakiin waxay bartilmaameed muhiim ah u ahayd baaritaanka garsoorka Faransiiska ee ku saabsan eedeymaha ah in hantida, qoysaska lagu iibsaday Faransiiska lacagta musuqmaasuqa.
Labada Bongo iyo Nguessos, labaduba waa la bartilmaameedsaday 13-ka qof ee sida rasmiga ah baaritaanka loogu sameeyay waxaana sidoo kale ku jira qareen u shaqeyn jiray Madaxweynihii geeriyooday ee Omar Bongo iyo dhowr muwaadiniin Faransiis ah.
Sannadkii 2015-kii, garsoorayaasha Faransiisku waxay amreen in lala wareego laba guri oo ku yaal Paris oo milkiilahooda dhabta ah ay rumeysnaayeen inuu ahaa Mr Sassou-Nguesso adeerkiis, Wilfrid Nguesso, waxay horey u amreen in lala wareego ku dhawaad 15 gaari oo nooca raaxada ah.
Sannadkii 2016-kii Mr Sassou-Nguesso wuxuu bilaabay tallaabo sharci ah oo uu ku doonayo in kiisaska isaga la xiriira la tuuro, halka afhayeenka dowladda uu ku tilmaamay kiisaska in ay yihiin “wax is daba marin ballaaran” oo loola jeeday in lagu sumcad xumeeyo madaxweynaha.
Waa madaxweyne ku xigeenka Equatorial Guinea, Teodoro, oo soo jiitay dareenka ugu badan, iyadoo booliisku ay harareeyeen hoygiisa qaaliga ah ee ku yaal Waddada 42-aad ee Foch ee magaalada Paris, waxayna qabteen dhowr baabuur, oo ay ku jiraan laba Bugatti Veyrons iyo Rolls Royce. Teodoro ayaa ugu dambeyn lagu xukumay inuu bixiyo $37 milyan oo dollar oo ganaax ah.
Si kastaba ha noqotee, bishii Diseembar ee la soo dhaafay, Maxkamad ayaa diiday in uu bixiyo ganaaxas. Sharciga ay meelmariyeen baarlamaanka Faransiiska ayaa bixin doona dakhliga ka soo xarooda hantida noocan oo kale ah in meel loo dhigo loona isticmaalo maalgalinta mashaariicda horumarineed ee wadanka ay khuseyso. Haddana qabanqaabooyinka noocan oo kale ah waxay u baahan doonaan in si adag loo qaabeeyo. Ka dib markii maamulka magaalada Geneva, ay bilaabeen talaabo sharci ah oo ka dhan ah Teodoro iyo laba shaqsi oo kale oo lagu eedeeyay in ay lacago musuqmaasuqeen iyo ku takrifal hantida dadweynaha. Kiiska ayaa ugu dambeyntii la dhammeeyay bishii Sebtember, 2019-kii. Shan bilood ka dib, 22-kii Febraayo ee sannadkii hore, sawir hadda la tirtiray ayaa lagu baahiyay barta Instagram-ka. Wuxuu ahaa Teodoro oo muujinaya isaga oo baabuur ku dhex wataya waddooyinka caasimada Equatorial Guinea ee Malabo.