Shil Gaadhi Oo Aad U Naxdin Badan Oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Sheekh Ee Gobolka Saaxil Iyo Saddex Qof Oo Ku Geeriyooday

0
354

Sheekh, June 3, 2021- (Foore) – Alle ha u naxariistee, Saddex qof ayaa ku geeriyooday shil gaadhi oo aad u argagax badan oo shalay Galabtii ka dhacay duleedka Degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil ee Somaliland.

Shilkan oo ka dhacay deegaanka Dubur ee Degmadda Sheekh ee Gobol Saaxil ayaa waxa ku geeriyooday Alle ha u naxariistee saddex rag ah oo mid ka mid ah uu dhalay Musharax Axmed Cabaade Wayd oo ka mid ah musharaxiinta degmada Berbera tartanka u galay ee natiijadiisa la sugayo.

Shilkan ayaa, sida la sheegay, dhacay kadib markii uu la dhacay baabuurku dirawalkii wada, islamarkaana uu wada kala baxay, kaasi oo markii dambe dhawr jeer is rogay, islamarkaana sababay inay dadkii saarnaa ay kuwad geeriyoodaan.

Magacyada saddexda qof ee Ku geeriyooday oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa kala ah.

1 – Deeq Cabdi Muuse

2 – Ibraahim Saleeban Cabaade

3 – Maxamed Axmed Cabaade

Allaah ha unaxariisto dhamaantood raggan ku geeriyooday waxay  ku socdeen oo safarkoodu ku ekaa Degmada Berbera .

Sadex cisho ka hor shilkan oo kale ayaa ka dhacay duleedka Berbera waxaana ku geeriyooday 5 qof oo sida la sheegay maydkoodu wali kujiro Talaagadda Meydka ee cusbitaalka Berbera.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here