Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Oo Dil Ka Badbaaday Iyo Ciidamo Dawladda Ka Tirsan Oo Raasaas Ooda Kaga Qaaday Kolonyo Gaadiid Ah Oo Galbinaysay

0
438

Muqdisho, June 3, 2021- (Foore)- Ciidamo ka tirsan kuwa Dawladda Soomaaliya, gaar ahaan Booliiska ayaa Shalay galabtii rasaas ku furay gaadiid uu la socday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud xili ay marayeen badhtamaha Magaalada Muqidisho gaar ahaan degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir.

Sida ay sheegayaa wararka Uu Wargeyska Foore helay,ciidamo ka tirsan Kuwa dawladda Soomaaliya ee ku sugan Kontrolka Maxkamada gobolka Banaadir ayaa rasaas culus ku riday xili ay goobta ka gudbayeen gaadiidka gelbinayey Madaxweyne Xassan Sheekh oo halkaas marayey, kuwaasoo ka yimid dhinaca xeebta Liido.

Dhawaqa Rasaastan oo aad u culuslayd ayaa argagax gelisay shacabka degan degmooyinka Xamar jajab iyo Xamar-weyne.

Ilaalada la socotay gaadiidkan ayey wararku sheegayaan inay ka jawaabeen rasaasta, balse kumay hakanin goobta oo deg deg ayay u dhaafeen ka dib markii uu sidaas amar ku siiyey Xassan Sheekh, lamana sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay rasaastaas oo dhawaaqeeda meelo fog fog laga maqlayay  taasi oo dadka badan fadhiga ka kicisay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka yimid shir nabad-gelyo oo ka dhacay Elite Hotel ee xeebta, isagoo markan u socday shir ay lahaayeen Midowga Musharaxiinta xiliga ay ciidamada dowladda ku fureen xabada.

Waxaa xusid mudan in goobta lagu rasaaseeyay madaxweyne Xasan Sheekh kal hore lagu rasaaseeyay kolonyo la socday Imaam Maxamed Yuusuf, taasi oo uu hore raali-gelin uga bixiyey ra’iisal wasaaraha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here