Hargeysa, June 3, 2021- (Foore)- Natiijooyinka hor-dhaca ah ee Degmooyinka qaarkood ayay Komishanka Doorashooyinka qaranku si hor-dhac ah shalay galab u soo saareen iyada oo xisbiyada qaranku si ba’an ugu dagaalameen degmooyinkaasi oo mid kastaaba kuraas ka helay haba lagu kala badnaadee.
Degmooyinka Laascaanood, Taleex, Xuddun, Buuhoodle, Lughaya, Saylac, Sallaxlay iyo Gar-adag ayaa wax aka soo baxay xildhibaanno qaarkood u badan yihiin dhallinyaro aqoonyahan ah oo u sharraxnaa Golayaasha Deegaannada ee Degmooyinkaasi.
Natiijada hordhaca ah ee degmooyinkan 9-ka ah ayaa waxa ay xisbiyada qaranku u kala heleen sidan:
Degmada Buuhoodle:
Xisbiga WADDANI- 5 Xildhibaan
Xisbiga KULMIYE – 4 Xildhibaan
Xisbiga UCID – 2 Xildhibaan
Degmada Laascaanood:
Xisbiga KULMIYE- 5 Xildhibaan
Xisbiga WADDANI – 5 Xildhibaan
Xisbiga UCID – 3 Xildhibaan
Degmada Taleex:
Xisbiga KULMIYE – 6 Xildhibaan
Xisbiga WADDANI – 3 Xildhibaan
Xisbiga UCID- 0 waxba kama helin
Degmada Xudun:
Xisbiga KULMIYE – 7 Xildhibaan
Xisbiga WADDANI – 2 Xildhibaan
Xisbiga UCID – 0 Waxba kama helin
Degmada Saylac:
Xisbiga WADDANI – 4 Xildhibaan
Xisbiga KULMIYE – 4 Xildhibaan
Xisbiga UCID- 3 Xildhibaan
Degmada Sallaxley:
Xisbiga KULMIYE – 4 Xildhibaan
Xisbiga UCID – 3 Xildhibaan
Xisbiga WADDANI- 2 Xildhibaan
Degmada Lughaya :
Xisbiga KULMIYE- 5 Xildhibaan
Xisbiga WADDANI- 2 Xildhibaan
Xisbiga UCID – 2 Xildhibaan
Degmada Gar-adag:
Xisbiga KULMIYE – 4 Xildhibaan
Xisbiga WADDANI- 3 Xildhibaan
Xisbiga UCID- 2 Xildhibaan