Hargeysa, May 27, 2021- (Foore)- Iyadoo shalay ahayd maalintii labaad ee ugu dambeysay ololaha doorashooyinka Golayaasha Degaanka iyo Wakiillada ee Xisbiga UCID,isla markaana ay dhammaan fagaarayaasha Magaalooyinka dalka ay isu soo bax ololaha ku soo bandhigeen Musharraxiinta iyo tageerayasha Xisbigu,ayaa waxa ka dhacay beerta Xorriyadda ee Magaalada Hargeysa rabsho kooban.
Fagaaraha Beerta Xorriyadda ee Magaalada Hargeysa oo ay shalay isu soo bax ololaha doorashooyinka ku muujinayeen Musharraxiinta iyo taageerayaasha Xisbiga UCID oo ay ahayd maalintii ugu dambaysay ee ololahooga ayaa waxa dhacay rabsho kooban oo sababay inay dhaawacyo dakharo u baddan ay soo gaadhaan qaar kamid ah taageerayaasha Xisbiga,sidaana waxa wergeysa Foore u sheegay goob-joogayaal kamid ah teegeerayaasha Xisbiga iyo Musharraxiintiisa
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo isagu goob-joog ka ahaa fagaaraha beerta xorriyadda ee Magaalada Hargeysa, ayaa la arkayey isagoo cadhaysan oo beela daymoonaya ,kaas oo sheegay in ciidankii nabad-galyadda sugayey ay shaqadoodii qabsan karri waayeen ,waxaanu xusay in Booliskii amaankooda ilaalinayey nidaamkii laga qaribay.
Faysala Cali Waraabe oo arrintaas ka hadlaya ayaa sheegay sidan :-“Waxa aan aad iyo aad uga xunahay in maanta booliskii shaqadiisii qabsan karri waayey,nidaamka waxa loo dhiibay booliska iyo nabad-gelyadda ,nidaamkii wuu burburay annagu waxa aanu u arkaynaa inuu boolisku nagu sameeyey, horena waanu uga haddalnay oo waxa aanu nidhi ninka Booliska haystaa nin la isku halayn karro maaha nidaamka nabad-gelyadda dalkana nin lagu aamin karro mahaa,maantana wey caddaatay in Booliskii annaga na ilaalinayey nidaamkii naga qaribay.”ayuu yidhi
Ma Jiro wax war ah oo amuurtan ku saabsan oo ka soo baxay ciidanka booliska Magaaklada Hargeysa iyo maamulka Gobolka Maroodijeex ilaa hadda.