Muuse Biixi Saddex Sano Iyo Badh Buu Joogee Bal Car Waakaase Ha Sheego Wax Alla Wax Uu Qabtay, Wakhtigii Siilaanyo Waxa Uu Ka Soo Horjeeday Mashruuca DP-World

0
706

Hargeysa, May 27, 2021- (Foore)- Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay Muddo Xileedkiisa uga hadhsan tahay wax ka yar Hal sano iyo Badh ayaa waxa lagu eedeeyey in gabi ahaanba muddodaasi uu xafiiska joogay aanu haba yaraatee wax mashaariic ah oo waaweyn oo la taaban karo aanu dalka ka qaban iyada oo taa baddalkeeda eedo culus loogu jeediyey in wakhtigii xukuumaddii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo uu isna ahaa Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE uu ka soo horjeeday hirgalinta mashaariicda waaweyn ee DP-World ay ka mid tahay oo lagu ballaadhinayo Dekedda Berbera iyo waliba Jidka Berbera Corridor.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo shalay taageerayaal fara badan oo isugu soo baxay fagaaraha Beerta Xorriyadda kula hadlayay waxa uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyey Madaxweyne aan mudadii uu xilka hayay wax badan oo muuqda aan umaddiisa u qaban isaga oo taa baddalkeeda waa sida uu hadalka u dhigaye ku eeedeeyye in uu Madaxweynuhu wali ku mashquulsan yahay wax uu Faysal Cali Waraabe ku tilmaamay yooyootan siyaasadeed.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu ku faanay in uu ka mid ahaa raggii kala shaqeeyey Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo xukuumaddiisii in ay dalka ka hir galaan mashaariicda waaweyn ee Jidka Berbera Corridor iyo Mashruuca ballaadhinta Dekedda Berbara ee ay gacanta ku hayso DP World isaga oo Madaxweynaha ku eedeeyey in uu wakhtigaasi diiddanaa oo aanu raalli ka ahayn hirgalinta mashaariicdaasi.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Yooyootan looma baahna. Muuse Biixi Afar sano ayuu lahaa kan bay tidhi, keerbay tidhi, Kanaan idhi, kanuu yidhi, waxaan moodayay in uu waxaasi ka daalee wali tiibuu wadaa. Saddex sano iyo badh buu xukunka hayoo bal car ha sheego wax alla wax uu qabtay. Waddadaasi uu maalintii dhawayd furay ee Pay-Pass ka aniga ayaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo kala shaqeeyey wakhtigiisii. Hirgalinta Mashruuca DP-World aniga ayaa kala shaqeeyey. Labadaasi mashruucba Madaxweynaha wakhtigan Muuse Biixi wuu ka soo horjeeday. Bal waakase intaa uu Joogay Muuse wadadaasi kaantaroolka Halleeya illaa kaa Gabilay car waakaase ha innoo dhiso. Wax kale hadda u diri maayo car waakaase intaasi yar ha dhiso. Hargeysa Kaantaroolkeeda Galbeed illaa Kaantaroolkeeda Bari jidkaa isku xidha car waakaase intaasi uun bal ha dhiso” ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here