Hargeysa, May 27, 2021-(Foore)- Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ayaa waxaa Goordhawayd ku geeriyooday Allaha u naxariistee Abwaan Sooraan Ismaaciil Sugule oo si weyn loo yaqaanay deegaanada Soomaalida.
Abwaan Sooraan Ismaaciil ayaa maalmihii lasoo dhaafay la xanuunsanayay Cudurka halista ah ee COVID-19 oo ku dhacay, waxaana xanuunkii haayay uu ugu geeriyooday cisbitaal ku yaalla Magaalada Burco oo uu ku jiray.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, bahda fanka iyo suugaanta, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, shacbiga Somaliland iyo guud ahaan ummadda ku hadasha Afka Soomaaliga meel ay joogaanba, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Ibraahim Ismaaciil Sugulle (Sooraan) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 26/05/2021 magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco.
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey Abwaan sugaan yahan ah oo wakhtigiisa ugu badan u huray dalkiisa iyo dadkiisa, geliyeyna juhdi iyo dedaal dheeriya, marwalbana ugu hoga-tusaalayn jiray hadba wacyiga jira oo uu ku wacyigelin jiray bulshada inay ka dheeraato wixii wax u dhimaya diinta iyo dhaqankeena suubban.
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ummadda ku hadasha Afka Soomaaliga meel ay joogaanba, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, bahda fanka iyo suugaanta, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Dhanka kale Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa geerida ku timi Abwaan Sooraan Ismaaciil Sugule ka tacsiyadeeyey eheladii qoyskii qarabadii iyo dhammaan-ba shacabka reer Somaliland,taas oo u dhignayd sidan:-“Waxa aan tacsi tiiraanyo leh la wadaagayaa qoyska, ehelada, asxaabta, Bahda fanka & suugaanta iyo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland geerida naxdinta leh ee ku timid Abwaan Sooraan Ismaaciil Sugulle oo xaqii ugu yimid Magaalada Burco.
“Alle ha u naxariistee Marxuumka waxa uu innagu banneeyey kaalin weyn oo uu ku lahaa wacyigelinta iyo kobcinta garaadka bulshada, Ilaahayna waxa aan ka baryayaa in uu Jannatul firdowsa geeyo. Aamiin.” ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo tacsidan dirayay.