Khudbaddii Musharrax Daa’uud Xuseen Jaamac (Food-cadde) Ka Jeediyay Xaflad Ballaadhan Oo Xalay Taageero Loogu Muujiyey + Sawirro

0
1196

Bismillaahi Raxmaani Raxiim,

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Guddoomiyaha Xisbiga Caddaaladda Iyo Daryeelka ee UCID ENG. Faysal Cali Xuseen, Guddoomiye ku xigeenka, Dhammaanba xubnaha Hogaanka xisbiga ee Madasha ku sugan, Dhammaanba Musharraxiinta Golaha Wakiillada Gobolka Maroodi Jeex ee Xisbiga Caddaaladda Iyo Daryeelka, Madax-dhaqameedka, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka, Garabbada Haweenka iyo Dhallinyarada, Guddida qabanqaabada Xafladdan ballaadhan ee qiimaha leh iyo Guud ahaan taageerayaasha baaxadda leh ee Gobolka Maroodi-jeex iyo Degmooyinka hoos yimaad ee garabkayga taagan waxaan idinku salaamayaa salaanta Islaamka ACWW.

Marwooyin iyo Mudanayaal,

Sharaf weyn bay ii tahay in aan Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee UCID oo ah xisbiga ugu da’da weyn uguna mudakarsan xisbiyada qarankeena aan ka helo matalaadda rasmiga ah ee Tartanka Musharraxnimo ee Golaha Wakiillada Gobolka Maroodi Jeex aniga oo fursaddaasi Xisbigu I siiyey ku matali doona aqlabiyadda ugu ballaadhan deegaanka aan ka soo jeedo ee Gobolka MAROODI-JEEX iyo Degmooyinkiisa. Aniga oo ku hadlaya afka dhammaanba mudantaasi I soo hor fadhida oo ah labeenta deegaanka aan ka soo jeedo haddii ay tahay Madax-dhaqameedkiisa, Aqoonyahankiisa iyo siyaasigiisa oo cod aqlabiyad ah nagu taageeray iskuna raacay Musharraxnimadayda waxaan Guddoomiyaha Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ugu mahad naqayaa kalsoonida ballaadhan ee uu I siiyey aniga iyo deegaangayga, iguna soo xulay iguna muuneeyey in aan noqdo Musharrax lagu majeerto oo u tartanka mansabkaasi oo deegaanka aan ku matalayaa muddo ka dhur sugayay iskuna raacay in aan noqdo Musharraxooda, taasi waa abaal weyn oo siyaasi ah oo aan u hayno Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo xisbigiisa oo ah astaan u taagan caddaaladda, hiilka qaranka iyo u halgamidda xaqa.

Marwooyin iyo Mudanayaal,

Si kasta oo aniga iyo deegaanka aan ka soo jeedaa xaalad adag uga muteen xisbigii aanu hore isaga sharraxnay muddo dheerna halganka u soo galnay haddana waxa Ilaahay qaddaray sidii khayrku ku jiray oo ah in aanu dhammaantayo ku midawno Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee UCID oo ah maanta Damalkaasi weyn ee aanu hooskiisa ku negaanay oo aan hubo in aanu cudud iyo cadadba ku matali doono.

Tix baa waxa ay tidhaahdaa “Waxaan godobtiisu hadhin gar aad leedahay oo uu ogyahay ninkaaga masuugay gole”

Tix kale ayaa waxa ay ahayd: “Nin ku yidhi massaan nahay mar la qaad tallaabada, la malayso mooyee yuu mudidiino kaa dhigan”

Sharaf weyn bay ii tahay in ay I hareero joogaan hogaankii xisbiga iyo dhammaanba Musharraxiintii Gobolka Maroodi Jeex ee Xisbiga oo ah raggaa iyo hablahaasi aanu halganka wada galayno si aanu dalkeena iyo dadkeena ugu adeegno Insha Allaahu marka ilaahay nagu guuleeyo.

Marwooyin iyo Mudanayaal,

Deegaanka ballaadhan ee Gobolka Maroodi-jeex iyo Degmooyinka hoos yimaad ee aan mansabkan ku matalayaa waxa ay muddo saluug weyn ka qabaan xaaladda xisbul xaakimka iyo wax-qabadka ay filayeen ee la hagraday. Si la mid ah sida guud aaan dalka oo dhan Ma helaan adeegyadii aasaasiga ahaa ee ay u baahnaayeen. Wali xaaladda caafimaad way liidataa, xaaladaha biyo la’aanta wakhtiyada abaaraha waad ka dheregsan tihiin in ku dhawaad 80% aanay helin biyo nadiif ah oo wakhtiga roobab oo kali ah ay helaan waliba biyo aan nadiif ahayn. Muddo kadibna harraad loogu bakhtiyo. Waxa aan ku dadaali doonaa in aan qayb ka noqdo haddii Ilaahay igu guuleeyo in aan ka shaqeeyo shuruucda iyo qawaaniinta taageeraysa daboolidda baahiyahaasi is biirsaday iyo deegaanka aan ka soo jeedaa waxa uu ku yahay hodanka oo ah beeraha sidii wax looga qaban lahaa iyo sidii ay ugu xidhmi lahaayeen dalka intiisa kale oo ay go’doon kaga jireen. Waxa kale oo aan daba-gal ku samayn doonaa bajadka miisaaniyadda ugu jira in ay ay gaadho iyo in ay gacmo dad ku lunto. Waxa aan muujin doonaa matalaad rasmi ah iyo isla xisaabtan ka fog dan iyo hunguri oo aan hormuud ugu noqdo xildhibaannada aanu isku mabda’a iyo yuhuunta nahay annaga oo la xisaabtami doona xukuumadaha markaasi jooga.

Noqon maayo Xildhibaan jeebka ugu jira hadba doonista cidda fadhida qasriga Madaxtooyada ee waxaan ku dadaali doonaa in aan noqdo carooga dulmanaha, ka daranyaysan iyo danyarta dalkeenna. Anoo fahamsan ujeedooyinka iyo maandhaynta Golaha Wakiilada Somaliland iyo waxa uu u taagan yahay, aqoonteedii iyo waayo-aragnimadeediina leh waxaan awoodda isugu gayn doonaa anoo Ilaahay talo saaranaya sidii aan uga mid noqon lahaa xubnaha haddii rabbi ku guuleeyo ay Bulshadu ka sugayso isbaddalka dhabta ah ee ay u oomman yihiin.

 

Marwooyin iyo Mudanayaal,

Waxaad ogtihiin saamaynta taban iyo dhibaatada ay kooxaha dillaaliinta ah ee ka ganacsada danta umadda, kuwa dhuuni raaca ah ee shilimaad kooban umadda ku iibsada iyo danlayda siyaasadeed ay ku hayaan wada jirka umadda, dawlad wanaagga iyo isla xisaabtanka iyaga oo danta dadka iyo dalka ay kala culus tahay dano shakhsi iyo malafsi muddo kooban ah. Kooxahani waxa ay u baahan yihiin in aan iska qabano oo dhinac uga soo wada jeedsanno. Cid walba way leeyihiin. Waxaad la socotaan dhibaatada ay qabaan Musharraxiin badan oo qaarkood la xidhxidhay, kuwo qaab qabiilaysan culaysyo loo saaray iyo kuwo si kale loo dhibaateeyey. Waxaasi oo dhan waxa masuuliyaddeeda qaadaya ciddaa maanta talada dalka haysa ee umaddii walaalaha ahayd isku diraya ee kala dilaya kana hor imanaya shuruucdii dalkeena u taallay ee xalaalaynaysay xaqa qof waliba u leeyahay in uu isa sharraxo xisbiga uu doonana iska soo sharraxo. Cidda wax dooranaysaa waa shacabka, cidda waxa diidaysaa waa shacabka, iyaga ayaa qofka ay u arkaan in uu wax qaban karo codkooda siinaya ee ma aha in culays xukuumadeed la saaro musharraxiinta. Ma aha in dadka la khasbo, waxaan leeyahay doonista shacabka ayaa ka weyn afar danlay siyaasadeed ah oo kolba meel ku faqa oo dilaala danta guud ee umadda.

Waxaasi oo aqoonyahan, madax dhaqameed, siyaasi iyo ummad dhan ah waxa ay igu taageereen in ay iga dhex arkeen in aan dantooda ku matali karo oo aan wax qaban karo taasi ayaa ah tan xaqiiqada ah ee aan ahayn dhalanteedka, waxaanan Ilaahay ka beryayaa in uu igu guuleeyo xilkaa ay ila jeclaadeen iyo masuuliyaddaasi.

Gun iyo Gabogabo,

Dhammaanba guddiyadii qabanqaabada ee xafladdan qiimaha badan iyo u diyaar garawga kaambaynka, odayaasha iyo waxgaradka deegaanku waxa ay muujiyeen halka ay dantooda u arkeen oo ah xisbiga UCID in aanu ku garab joogsanno kaasi oo sannadkan u muuqda faras aan cidina gaadhi Karin marka aad eegto sida uu Guddoomiye Faysal u soo xulay musharraxiin qiimo badan, sida uu ugu hiiliyey in sharcigu sarreeyo oo ka weyn yahay qof walba sida uu deegaan kasta oo Somaliland ah u siiyay xaqiisa matalaadeed. Waxaan ku faanaynaa in Guddoomiye Faysal Cali Waraabe maanta gutay waajibaadkii looga baahnaa maadaama uu yahay isku wadaha dadka reer Somaliland oo aad ogtihiin sida uu illaa sannadkii 1994-kii uga shaqaynayay nabadda, wada noolaanshaha iyo horumarka dalkeenna.

Guddoomiye Faysaloow, Deegaanka aan ka soo jeedo waxa lagu yaqaanaa ficil iyo ka go’aansho wakhtigeeda ku habboon, waana taa ay maanta aqlabiyaddoodii isugu soo biyo shubteen xaggan. Waxa aanu kifaax adag u gali doonaa sidii aan himiladeenna u xaqiijin lahayn annaga oo Ilaahay talo saaranayna, waxaana shakhsi ahaan iga go’an isku wadka iyo in aan kaalin hormuudnimo ka qaato sidii aan hankaasi u xaqiijin lahayn.

Ilaahaybaa Mahad oo dhammi u sugnaatay

Guul iyo Gobanimo,

Somaliland Allow Dhowr

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here