Boorama, April 22, 2021-(Foore) – Sheekh Xasan Diheeye oo kamid ah culimada reer Somaliland gaar ahaan ka soo jeeda Gobolka Awdal laguna yaqaano sida uu u taageero dawladda Soomaaliya ee uu uga soo horjeedo qaddiyadda Somaliland, isla markaana si cad oo badheedho leh u teegeera Dowladda Somaaliya, ayaa Madaxweyne Farmaajaha waddanka Soomaaliya waxa uu ugu baaqay in aanu isu dhiibin Mucaaradka, isla markaana aan laga laaban go’aankii Golaha shacabku ay muddo kordhinta labada sanno ah ugu sameeyeen Xukuumadda Farmaajo si dalka loogu diyaariyo doorasho hal qof iyo hal cod ah.
Sheekh Xasan Diheeye ayaa haddalkiisa ku bilaabay sidan:- “Madaxweyne Farmaajo waxa aan leeyahay kolnaba ha is dhiibin, ummad xor ah ayaad hoggaaminaysaa oo Somaali la yidhaa oo qab leh oo sankeeda aan la taabanin oo Dowlad-nimada u hannuunsan oo u jeellan aad iyo aad-na ugu baahan inay madax- bannaanaadaan, nimankaa marnaba ha isku dhiibin,waa in aan loo jixin-jixin gumaysiga cusub ee hadda Xamar degay, waxaan Madaxweynaha iyo dhammaan dadka Somaaliyeed aan ku dhiirinayaa in aan qoddobkaa ay ku dhiirradeen Baarlamaanku la burin ayaan ku dhiiri-gelinayaa, qoddobkaas waa qoddob rejo u ah ummadda Somaaliyeed.”
Waxaanu intaas ku sii daray isagoo haddalkiisa sii wata in ay wanaagsan tahay in doorashooyin hal qof iyo cod ah loo diyaariyo inay Somaaliya ka dhacaan “Somaaliyeey maxaa ka fiican in lagu yidhaah waxa la diyaarinayaa sannad ama laba ama saddex ha noqotee, waxa la diyaarinayaa in aad codkaaga gacantaada ku dhiibato oo aad qofkaad jeceshay doorato, ma wax ka wanaagsan ayaa jira.” ayuu yidhi
Geesta kale Sheekh Xasan Diheeye ayaa sheegay in aan ummadda Somaaliyeed qabyaalad iyo laaluush ay soo bixiyeen Cadowga Soomaaliya aan lagu burburin dalka, isagoo Janaraal Saadiq Joon ugu baaqay inuu isu soo dhiibo Dowladda Somaaliya oo uu cafis weydiisto sida uu hadalka u dhigay waxaanu yidhi: “Waxaan leeyahay ummadda Somaaliyeed yaan la afduubin, qabyaalad yaan lagu afduubin, laaluush ay soo diraan waddamo cadow ahi yaan lagu laaluushin, bal ninkan, miskiinka ah ee iminka Janarel-nimadiisi laga xayuubiyey, waxaan odhan lahaa haloo celiyo oo hala cafiyo, maxaa yeelay niman tolkiiya ayaa lacag weyn tusay oo yidhi lacag weyn ayaan ku siinaynaa laba milyan oo doolar ayaan ku siinaynaa, waanigii ka maqlayey idaacadaha inuu yidhi kontan kun oo dollar ayey ii keeneen, maaha nin janaraal ah oo wadan inta uu u dhaartay inuu qabiilo hoos galo, saraakiishu ha noqdaan saraakiil sharaf leh, waxaan leeyahay Saadiq Joon Dowladaada Cafis weydiiso oo ka soo noqo, dhufaysyadaana baabii’.”
Ugu Dambeyn Sheekh Xasan Diheeye ayaa amaanay Dowladda Madaxweyne Farmaajo ee dalkaasi Soomaaliya oo uu hoggaamiyo ee qorshaynaysa inay doorasho qof iyo cod ah ay dalkaasi gaadhsiyeen mustaqbalka soo socda “Somaali maanta ididiilada Dowladdii aad soo saarteen Farmaajow maanta Barlamaankiina wakaa ku tageeray in doorasho hal qof iyo cod ah la gaadhsiiyo, waxaan leeyahay Madaxweyne Farmaajo iyo Shir Guddoonka Golaha shacabka ku adkaystay qaraarkiinii ahaa in dalka la gaadhsiiyo doorasho qof iyo cod ah muddo laba sannadood ku siman.”