Tartanka Qur’aanka Kariimka Ah Ee Bisha Ramadaan Oo Ay Maal-Galiso Shirkadda DAHABSHIIL Oo La Soo Gabogabeeyey Iyo Ardaygii Ku Guulaystay Kaalinta 1aad

0
513

Hargeysa, April 22, 2021- (Foore)- Tartankii Qur’aanka Kariimka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dorraad lagu soo gabogabeeyey caasimadda Somaliland ee Hargeysa, tartankaasi oo lagu tartamayay 15-ka Jis iyo 30-ka Jis, kaasi oo ka soconayay Masaajidsada Cali Mataan iyo  Rusheeye ee caasimadda Hargeysa ayaa waxa 29-kii sano ee ugu dambeeyey maal-galinaysay shirkadda DAHABSHIIL Group. Xaflad ballaadhan oo loo qabtay gabagabada iyo abaal marinta Tartanka Qur’aanka Kariimka ah waxa ka soo qayb galay arday ka kala socotay dhammaanba Gobollada dalka. Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdullaahi Axmed, qaar ka mid ah culimada waaweyn ee dalka, Masuuliyiin ka socday shirkadda DAHABSHIL iyo marti sharaf kale.

Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre (Ismaaciil Dheeg) oo ka mid ah culimadii gacanta ku haysay tartankan oo munsaabadda xafladdan loo qabtay ka hadlay ayaa yidhi: “Tartankani taariikh facweyn buu leeyahay. 1992-kii ayaa laga soo bilaabay magaalada Hargeysa. Tartankaasi oo ay imika taariikhdiisu marayso 29 sano. Muddoda intaasi le’eg sannado aad u yar ayaanu tartankaasi qabsoomin ee inta kale oo dhan si xidhiidh ah ayuu u soo qabsoomayay. Taariikhdaasi dheer ku dhawaad 20 sano waxa tartankan dhiirri galinayay oo maal-galinayay shirkadda DAHABSHIIL. ILAAHAY SWT shirkadda maalka ha u barakeeyo kuwii diinta kaalinta ay kaga jiraan sii kordhinaya Alle haka yeelo. Ujeedooyinka tartanka laga leeyahay waxa weeye in Bisha barakaysan ee Ramadaan ee ILAAHAY qur’aanka soo dejiyay aynu cibaabada aynu la imanayno kaga qayb galno”.

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo ka mid ah culimada waaweyn ee dalka oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu hadallo dardaaran ah u diray ka qayb galayaasha tartanka isaga oo ilaahay uga baryay wanaag iyo abaal marin xagga Alle ay ka hesho shirkadda maal-galisay tartankan ee Dahabshiil waxaanu yidhi: “Dhallinyarada waxyaabaha aan ku adkaynayo waxa ka mid ah mar haddii Ilaahay deeqdan weyn siiyay oo ay kitaabkii Ilaahay laabta ku hayaan in aanay fudaydsanin oo aanay xifdigiisa sii weyn. Waxyaabaha aadka u adag waxa ka mid ah qur’aanka hayntiisa. Haddii aanu qofku samaysan barnaamij uu ku ilaalinayo oo ay tahay in uu wiiggiiba ama labadii wiigba mar dhammeeyo wuu ka baxsan karaa. Waa wax lagu farxo in qur’aanka Ilaahay lagu tartamo oo dhaqaale lagu bixiyo waxaanan u mahad celinayaa walaalaheena shirkadda DAHABSHIIL ee maalgaliyey tartanka” ayuu yidhi sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir.

Axmed Warsame Ducaale oo ka tirsan madaxda Shirkada DAHABSHIIL oo isaguna kelmado kooban madasha xafladda xidhitaanka tartanka qur’aanka kariimka ah ka soo jeediyay ayaa yidhi: “Sidaa sheekhu sheegay annagu ka shirkad ahaan Dahabshiil Group muddadaasi dhawr iyo labaatanka sano ah ee tartanka aanu soo wadnay ama maal-galinaynay ujeedadu waa in Ilaahay SWT loogu dhawaado, waa in kitaabka ALLE kor loo qaado. Sidoo kale ujeedadu waa in dhallinyarada xamalatul qur’aanka ah ee xufaadda ah la dhiirri galiyo oo wanaagga iyo khayrka lagu garab joogsado. Intii Ilaahay qaddarona Insha Allaahu waanu sii wadi doonaa”

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Md. Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo soo xidhay xafladda ayaa waxa uu yidhi: “Tartankaa muddoda 30-ka sano ku dhaw aynu soo wadnay waxaad mooddaa in uu ka mid yahay waxyaabaha Ilaahay SWT ku dhawray umaddan ku nool dalkeenan Somaliland. Nimcadaa Ilaahay inna siiyay waxa loo baahan yahay in aan ku mahad naqno oo isugu hambalyayno. Ciddii nasiibka u heshay in ay ku guulaysato kaalmaha tartankan qur’aanka kariimka waxaan leeyahay hambalyo waanan idiin ducaynay” ayuu yidhi Sheekh Khaliil Cabdillaahi Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu.

Ugu dambayntii waxa halkaasi abaal marinno qaali ah lagu guddoonsiiyey ardaydii ka qayb gashay tartankan Qur’aanka Kariimka ah ee Bisha Barkaysan ee Ramadaan kaalmihii kala duwanaa.

Sheekh Maxamed Aadan oo ah imaamka iyo Khadiibka Masaajidka Cali Mataan kana tirsan Guddida culimada ah ee tartankan qabta oo ku dhawaaqayay natiijada tartanka ayaa ka dhawaajiyay ardaygii iyo Gobolkii kaalinta koowaad sannadkan galay kaasi oo ahaa Cabdiqani Axmed Ibraahim oo ka socday Gobolka Sool magaalada Laascaanood. Ardaygaasi waxa abaal marin loo siiyay 4-kun oo Dollar iyo agab kale oo qaali ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here