Masuul Kulmiye Ka Tirsan Oo U Hanjabay Rag Xilal Ka Haya Xukuumadda Oo Dhisaya Musharaxiinta Ay Isku Haybta Yihiin Ee UCID Iyo WADDANI Ka Sharaxan, Kuwa Kulmiyena Ridaya

0
1457

Hargeysa, April 22, 2021 (Foore)- Guddoomiyaha hay’ada qoxoontiga iyo barakacayaasha Somaliland Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif) ayaa u hanjabay masuuliyiin Xukuumadda ka tirsan oo uu sheegay inay dhisayaan Musharaxiin ka sharaxan Xisbiyadda Mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI islamarkaana ay ridayaan Musharaxiinta Kulmiye uga tartamaya dooran Deegaanka iyo Wakiilada, Waxaana uu sheegay inay raggaasi la socdaan, islamarkaan ay Xukuumaddu talaabo ka qaadayso.

Guddoomiye Xinif ayaa hadalkan ka sheegay Munaasib uu Xisbiga kulmiye Casho Sharaf ugu sameeyay Murashaxiinta Golaha Wakiilada uga Sharaxan Xisbiga ee Doorashada isku sidkan, gaar ahaan Musharaxiinta Saddexda Gobol ee Saaxil, Maroodi-Jeex iyo Gobolka Awdal iyo Murashixiinta Golayaasha Deegaankan ee Goboladdani, munasibadan oo markii dambe shahaadooyin lagu gudoonsiiyay.

Guddoomiye Xinif oo arrimahan ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi: “Waxa niman yahaw iyara taabtay, oo aan is idhaahdaa ma waalibaa, ma miyir qabaa, ma samaanbaa, ma kutalo galbaa, ma nacasnimaa oo aan garan waayay, Musharaxa Kulmiye, Deegaankuu doono hakasoo jeedo, waa igu waajib inaan taaageero, badelkeeda waxaa dhacday, Musharax Kulmiye ah oo Kulmiye ka sharaxan, aniga oo Masuuliyiinta Kulmiye ah, Masalan iga soo qaad, anigoo masuuliyiinta Xukuumadda ah masal kasoo qaad, oo kaygu uu  ka sharaxan yahay Xisbi Kale, kayga ayaan taageerayaa, ma dhaqanbaa, ma xisbinimaa taasi?”

Waxa kale oo uu yidhi: “Waxaan isku dayayaa kan Kulmiye inaan u baadh baadho sababo aan ku rido ama aan u reebo, si kaygaa xisbi kale ee UCID Iyo WADDANI u soo baxo, ma xisbinima waxaasi, ma dhaqanbaa, ma saxbaa, Kulmiyaw waynu samaynay taasi, rag badan oo Kulmiye ah ayaa sameeyay, waar aynu Xisbigeena ka xishoono, aynu umadeena ka xishoono, aynu Xisbigeena Xisbinimadiisa ilaalino, aynu daacad u noqono, ninkaan daacad u noqonaynaw, Ilaahay waa ku arkaa, umadduna waa u aragtaa, waana lagaa qaban doonaa”.

Ugu dambayn waxa uu yidhi: “Anigu Kulmiye ayaan ahay, Musharaxa Reerkayaga kasoo jeedaa halka uu ka sharaxan yahay ma noqon karayo, maba afgaranayo, Kulmiye noocaasi ayuu ahaan jiray, ka reerkooda ah ee Xisbi kale ka sharaxan ayuu Xisbiga u ridi jiray, imikana kii Kulmiye ka sharaxnaa ayaa u ridaysaa kaa UCID  innuu soo baxo”. Ayuu hadalkiisa ku soo koobay Cabdikariin Axmed Xinif, Guddoomiyaha Hay’adda Barakacayaashu.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here