Bayaan Ay Soo Saareen Golaha Hogaaminta Beesha Habar Gidir Ee Hawiye

0
833

Muqdisho, April 22, 2021-(Foore)– Golaha Hogaaminta Beesha Habar Gidir oo ka mid ah beelaha Hawiye ee dalka Soomaaliya ayaa soo saaray bayaan ay ku eedaynayaan xukuumadda wakhtigeedu dhammaaday ee dalkaasi Soomaaliya halka sidoo kale xalay magaalada Muqdisho ay ka dhacday weerar Hoobiyayaal ah oo loo gaystay xaafadaha ku tedsan ee u dhaw xarunta Villa Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho, weerarkaasi hoobiyayaasha ah oo keenay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. War-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Hoggaaminta beelaha Habargidir ayaa lagu sheegay in madaxda waqtigu ka dhamaaday ee  dowladda federaalka ay khilaaf ka dhex abuurayaan golaha dhexdiisa, iyadoo arrintaas aad loogu dhaleeceeyey qoralkaan.

“Waxaan ogsoonahay in abaabul xoogan oo lagu kala dhantaalayo awooda golaha mudaba uu ka soctay xaafiisyada dowladda waqtigeedu dhamaaday, iyadoo qaar kamid ah xubnaha golaha laga hadalsiinayo, loona isticmaalayo dano guracan, waa in ay ogaadaan xubnaha golaha in xeer qaba doono, cid kasta oo ku xad gudubta danta guud ee loo aas-aasay Golaha Hogaaminta Habaragidir,” ayaa lagu yiri qoraalka. War-saxaafadeedka oo dheer ayaa intaas ku sii daray, “GHH himaladli iyo Hilgsigii uu u qabay doorashada Soomaaliya waxay ahayd in shacabka Soomaaliyeed helaan doorasho hufan, xalaal ah, la isla ogolyahay, isla marahaantaasna lagula kala wareego xukunka si nabadgalyo ah, oo dhamaan saamilayda siyaasada Soomaaliya laga tixgaliyo, si looga gudbo dib u dhaca iyo xasarad dalka ka dhacda.”`

Golaha Hoggaaminta beelaha Habargidir ayaa sidoo kale qoraalkaan ku sheegay inay u muuqato khatar siyaadeed iyo mid amni oo ku gedaaman habraacii ‘sharciga baalmarsanaa ee uu ku dhaqaaqay Golaha Shacabka baarlamaaka Soomaaliya’ kaas oo mudo kordhin u sameeyey madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday, halka madaxweynuhuna uu deg deg ku saxiixay. “GHH waxaa uu ka digayaa khatarta kor aan kusoo xusnay oo umadda Soomaaliyeed ku yeelan karta saameyn taban oo aan si dhow looga soo kabsa karin, wax kasta oo ka yimaada isku dhajinta kursiga oo halis ku ah dalkeena kasoo banaya qalalaase 3o-sano jirsaday, waxaa masuuliyadeeda qaadi doona madaxwaynaha iyo hogaanka golaha shacabka ee muda xileedkoodii sharciga ahaa wada dhamaaday,” ayaa lagu yidhi qoraalkan. Golaha Hoggaaminta beelaha Habargidir ayaa ugu baaqay dowlad goboleedyada in xiligaan adag ay badbaadiyaan dalka iyo dadka Soomaallyeed, iyagoo kaashanaya saamileyda kale ee siyaasadda iyo shacabka Soomaaliyeed guud ahaan.

“Waxaa uu qayb ahaa Golaha Hoggaaminta beelaha Habargidir, soona dhawaynayaa wixii ka soo baxay shirweynilhii beelaha Hawiye ee Isniintii shalay Muqdisho ka dhacay,” ayaa lagu yiri qoraalkan. Dhinaca kale Tiro hoobiyeyaal ah oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa ay xalay kusoo dhaceen xaafado ka tirsan degmooyinka Boondheere iyo Warta Nabada ee Gobolka Banaadir oo u dhaw xarunta Villa Soomaaliya ee uu fadhiyo Madaxweynaha wakhtigiisu dhammaaday ee dalkaasi Soomaaliya Maxamed Farmaajo.

Illaa afar Hoobiye ayaa lagu warramayaa in lagu duqeeyey gudaha degmooyinka Warta Nabadda iyo Boondheere, waxaana ay ku kala dhaceen suuqii hore Warta Nabadda, Safaaradii hore ee Jarmalka, Xarunta Jodka Jilacow, Wasaaradii hore ee Caafimaadka iyo guryo kale oo dad rayid ah ay degan yihiin. Gudaha Warta Nabadaa waxaa la xaqiijiyey geerida laba qof, halka dhaawacana uu intaasi ka badan yahay. Sidoo kale Hoobiyaasha ku dhacay Degmada Boondheere ayaa sababay khasaare, balse weli lama hayo tiro rasmi ah. Sida ay dadka deegaanka u xaqiijiyeen Caasimada Online, mid kamid ah hobiyeyaasha ayaa ku dhacay Kaam ay daganaayeen dad barakacayaal ah, waxaana la xaqiijiyey inuu geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Xaafadaha hoobiyeyaasha lagu garacay ayaa aad ugu dhow madaxtooyada Villa Somalia, mana jirto illaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaan loo adeegsaday madaafiicda. Inta badan weerarada noocaan oo kale ah waxaa looga bartay kooxda Al-Shabaab oo dagaal kula jirto Dowladda Soomaaliya iyo ciidamada shisheeye ee ku sugan Soomaaliya. hadlin weerarkaan, wixii kusoo kordha kala soco Caasimada Online, Insha Allah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here