Hargeysa, April 21, 2021- (Foore)- Tartankii koobka kubadda Cagta Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo maalmahanba si xamaasad leh oo ballaadhan uga soconayay Garoonka caanka ah ee Xawaadle ee Caasimadda Hargeysa ayaa kulan xiiso badan oo shalay la isku arkay waxa ay koox ka socotay Telefishanka caalamiga ah ee SHAKAAL TV 1:0 ugu quus goysay oo ay uga badisay kooxda dhiggeeda ah ee Sheekh Madar.
Ciyaar xiiso badan oo ka mid ah wareegga koowaad ee Koobka kubadda Cagta Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo dhex martay ciyaartoyda labada kooxood ee Shakaal-tv iyo Sheekh Madar oo ay ciyaartoyda labada dhinacba ku soo bandhigeen hab ciyaareed sareeya ayay 1:0 guushu ku raacday kooxda ku ciyaarta magaca Telefishanka Caalamiga ah ee SHAKAAL kadib markii daqiiqaddii sagaalaad uu goolka guusha u saxeexay Weeraryahanka Kooxda Shakaal TV Mr.Cayto.
Ciyaartan xiisaha badan oo ka dhacaysay garoonka weyn ee Xawaadle ayaa waxaa soo buux dhaafiyay taageerayaasha labada kooxood oo mid kastaa dhankeeda muujinaysay xamaasad iyo ka go’aansho ay doonayeen in ay mid kastaa ku badiso iyada oo taageerayaasha labada kooxood si weyn u soo buux dhaafiyeen garoonka ayaa ugu dambayn kooxdii ku ciyaaraysay magaca Telefishanka cusub ee Caalamiga ah ee SHAKAAL TV waxa u suurto gashay in ay 1:0 ku karbaashaan kooxda dhiggeeda ah ee Sheekh Madar oo ay ka wada tirsan yihiin guruubka ay isku haleeleen.
Labada kooxood ayaa soo ban dhigay ciyaar wanaag iyo farsamo heerkeedu sarreeyo oo ay jeclaysteen taageerayaasha labada kooxood taasi oo raalli galisay dadweynihii u soo daawasho tagay Garoonka Xawaaadle oo ka mid ah garoomada caanka ah ee Caasimadda Hargeysa.
Kooxda guulaysatay ee Shakaal-tv ayaa ka mid ah kooxaha ugu ciyaaraha wanaagsan ee ciyaaraya koobka bisha ramadaan ee garoonka xawaadle waxaanay diiradda ku haysaa in ay u gudubto wareegyada dambe kuna guulaysato koobka, kooxdan oo ay u safan yihiin xiddigo garoomada Hargeysa laga yaqaano aadna dadku ula dhaceen qaab ciyaareedkooda.