Xukuumadda Somaliland Oo Si Aan Hore Looga Baran Uga Hadashay Xaaladda Somalia Ee Cakiran Sidii Beesha Caalamkana Walaac Ka Muujisay!

0
508

Hargeysa, April 15, 2021- (Foore)- Xukuumadda Somaliland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay si ka duwan sidii ay inta badan uga hadli jirtay xaaladda dalkaasi Soomaaliya uga hadashay iyada oo isla-weyni diblomaasiyeed ka muuqato walaac uga muujisay xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee dalkaasi Soomaaliya ka taagan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo shalay soo saartay war-saxaafadeed ku qornaa luuqadda Afka Ingiriisiga waxa ay Somaliland dalka Soomaaliya ugu baaqday in ay iska dul qaadaan dhibaatada kali-talis ee Farmaajo waxna ka korodhsadaan Somaliland marka laga hadlayo nidaamka doorashooyinka iyo dhismaha dawladnimo halka ay beesha caalamka ugu baaqday Somaliland in aan cuna-qabataynta laga qaadin Soomaaliya. War-saxaafadeedka oo aanu idiin soo turjunnay waxa uu u dhignaa sidan: “Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay si weyn uga walaacsan tahay xaaladda cakiran ee siyaasadeed iyo xasillooni-darrada ka socota waddanka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya.

Ismari-waaga siyaasadeed ee maanta jiraa wuxuu caddeyn u yahay cabudhinta, iyo hoggaaminta macangagnimada ah ee taliska Farmaajo, taasoo khatar buuxda ku ah amniga iyo xasilloonida gobolka isla markaana gelin kara Soomaaliya dagaal sokeeye oo hor leh oo laga yaabo inuu ku qasbo barakaca kumannaan rayid ah kuwaasi oo gala dalalka deriska ah oo ay ku jirto Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaan ka codsaneynaa dowladaha deriska la ah Soomaaliya inay feejignaadaan oo ay ilaaliyaan nabadda iyo xasiloonida gobolka ayna ilaaliyaan danta guud ee aan ka leenahay la dagaalanka kooxaha xagjirka ah ee Soomaaliya.

Waxaan ku boorineynaa dadka adkaysiga leh ee reer Muqdisho ee ay haysato xabadda joogtada ah, argagixisada aan kala joogsiga lahayn ee Al-Shabaab iyo kalitalisnimada Farmaajo iyo sida ulakaca ah ee uu u ixtiraamo dowladnimada dimuqraadiga ah ee dadka Soomaaliyeed iyo wadaxaajoodka siyaasadeed ee la isku afgarto.

Waxaan bogaadineynaa go’aanka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobey ee ahaa in Cunaqabateynta Hubka lagu sii hayo Soomaaliya waxaanan beesha caalamka ka codsaneynaa inay laba jibaarto dadaalkeeda la socodka iyo hubinta in hub dheeri ah aan la keenin Soomaaliya xilliyadan aan la hubin.

Tan iyo markii ay dib ula soo noqotay qaranimadeedii, jamhuuriyada Somaliland waxay ahayd ilays dimuqraadi ah oo ka ifaya gobolka iyada oo ay ka dhaceen doorashooyin xor iyo xalaal ah iyo qiyam dimoqraadi ah.

Somaliland waxay ku guuleysatay inay qabsato doorashooyinkii xorta iyo xalaasha ahaa ee is xigay tan iyo sannadkii 2002 iyada oo si nabad galyo ah xukunka la isugu wareejinayay muddodasi iyada oo mar kale, 31-ka Bisha soo socota ee May, dadka reer Somaliland ay u dareeri doonaan doorashooyinka isku sidkan ee golayaasha deegaanka iyo baarlamaanka.

Sidaa darteed, waxaan ka codsaneynaa Beesha Caalamka inay si toos ah ula macaamisho Jamhuuriyadda Somaliland oo ay wax ka korodhsato waayo-aragnimadeeda ah in argagixisada laga fogeeyo, dhismaha qaranka,  laga soo bilaabo salka isla markaana lagu celiyo guushii aan ka gaadhnay qabashada doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka dhaca Soomaaliya iyo wixii ka dambeeya”. Ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda Khaarajiga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here