Burco, April 15, 2021-(Foore)- Guddida nabad-gelyadda Gobolka Togdheer ayaa ka hadlay mudaharaad-yo rabashado watey oo laba maal mood oo is xig xiga ka dhacay Magaalada Burco,kuwaas oo ay dhigayeen dad ka soo horjeeda xadhiga iyo xukun ay Maxkamadda ciidamadu ku riday Kornayl Jaamac Maxamuud Aadan Doolaal oo kamid ah saraakiisha ciidanka qaranka, kaas oo ay Maxkamaddu ay ku xukuntay muddo laba sanno ah.
Guddida Nabad-gelyadda Gobolka Togdheer oo arrintaas ka hadlaysa ayaa ugu baaqday shacabka reer Burco inay nabad-gelyada ilaashadaan“Maal mahan waxa ka soconayey Magaalada dhaq-dhaqaaq, kaas oo ahaa kacdoon aan aad u abaabulayn, lakiin muujinaya fawdo, sidaa marka ay tahay waxa nagu waajib ah in aanu ka hadalno oo la haddalno dad weynahayaga,waxa hawshaa keeni karra,muwaadiniinta iyo madax-da qaranka hore waa loo xidhay waana la xidhi doonaa,lakiin mihiimadu waxa weeye nabad gelyadda degmada iyo gobolka in aynu ilaalina ayaa fiican.”ayuu yidhi Mayar Muraad
Dhanka kale Saraakiisha Ciidanka ee Gobolka Togdheer ayaa arrintaas ka hadashay, waxaanay ugu baaqeen in nabad-gelyada la ilaashado, isla markaana la joojiyo rabshadaha ”Waxaan leeyahay nabad-gelyada Burco ayey u dan tahay,dad weynaha waxaan ka codsanayaa,waa in dhalinyarada loo caqli celiyaa,waa bishii xasanaadka iyo sadaqaadka iyo wanaaga ee maaha bishii sharka shaydaankii ayaa la xidhay albaabadii jannada ayaa furan , qof waliba inuu khayr shaqaysto ayaa u taala, magaalada Mudahaarad hore kama jirin,dhib horena may oolin, ninkaa sarkaal ka ah ee kornaylka ah ee mileteriga ah Jaamac Maxamuud Aadan Doolaal arrintiisi ayey ka kacday xadhiga doolaal dhagax wax-ba ka tari maayo ciidanka oo la laayo guryaha oo la jajabiyo wax-ba ka tarimaayo ee dariiq loo maraa ayey leedahay.”
Geesta kale Guddoomiyaha Gobolka Togdheer ayaa isna ka hadlay arrintaas waxaanu ugu baaqay Bulshada reer Togdheer “Waxaan ugu baaqaynaa in dad weynuhu ay nagala qayb-qataan nabad-gelyada guud ee gobolka oo nagala qayb-qataan in aan taayiro la gubin,in aan gaadiid la jajabin, in aan tuugta wax boobaysaa jaanis helin,“Cid kasta oo wax tabanaysa annaga oo ka wakiil ah Xukuumaddii iyadoo taayirna la gubin dhagax-na la tuurin waa in na loo yimaado oo la yidhaah tabashadaa ayaa jirta waxaanu rabnaa in wax nagala qabto.”