Komishanka Doorashooyinka Qaranka Oo Nambarradii Astaamaha U Ahaa Musharraxiinta Siiyey Xisbiyada Qaranka

0
690

Hargeysa, April 15, 2021- (Foore)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa shalay waxa ay saddexda xisbi qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland u qaybiyeen Nambarrada astaamaha u noqon doona Musharraxiinta u taagan Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee doorashooyinka isku sidkan.

Nambarradan oo noqon doona kuwii astaamaha u ahaa ee ay ku galayeen ololaha iyo doorashada si loogu aqoonsado mid kasta waxa xisbiyada la siiyay xisbi walba tiro ka bilaabmaysa nambar isku mid ah. Musharraxiinta Golaha Wakiillada u taagan ee Xisbiyada qaranka waxa ay yeelan doonaan 60 Astaamood oo xisbi kastaa 20 astaamood leeyahay. Waxaanu xisbi kastaa 20 kaasi astaamood u qaybin doonaa dhammaanba Lixda Gobol ee waaweyn ee uga shararxan Gobol Kasta.

Xisbiga UCID waxa ay Komishanku siiyeen tirada ka bilaabmaysa 101 halka xisbiga KULMIYE la siiyey isna tirada ka bilaabmaysa 201 iyo ugu dambayn xisbiga WADDANI oo qaatay tirade ka bilaabmaysa 301.

UCID KULMIYE WADDANI

101   201   301

102   202   302

103   203   303

104   204   304

105   205   305

106   206   306

107   207   307

108   208   308

109   209   309

110   210   310

111   211   311

112   212   312

113   213   313

114   214   314

115   215   315

116   216   316

117   217   317

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here