Burco, April 12, 2021- (Foore) – Beel ka tirsan beelaha dega Magaalada Burco ayaa Xukuumadda Madaxweynaha Somaliland ugu hanjabay inay dagaal lagalayso iyagoo mid mid u tiriyay caqabado ay ka tirsanayaan Xukuumadda, waxa kale oo ay ku goodiyeen in Xorriyaddiisa loo soo celiyo Sargaal ka tirsan Ciidanka Qaranka oo shalay Maxkamadda Ciidanku xukun ku riday.
Gudida Beesha Bariga Burco oo shalay Warbaahinta lahadlay ayaa waxa ay yidhaahdeen “Waxa ay gudida beelaha Habar jeclo halkan ku cadaynaysaa mawqifkeeda ay ku matasho beesha Habarjeclo ee kaga aadan Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi, Gudida Guud ee Beelaha Habar jeclo illa markii illa markii dawladda Muuse Biix ay la wareegtay Hogaaminta Dalka, oo hadda la joogo muddo Afar Sanno oo wax la’ waxay si gaar ah u ugaadhsanaysay Dhamaan wixii khuseeya Beelaha Habar jeclo.
Waxa kale oo hadaladooda ka mid ahaa“La wareegigii xilka Madaxweyne Muuse Biixi, Dawladdu waxay si toos ah oo badheedha ah uga eriday shaqaalihii Hay’adda dawladda ee kala duduwan, dhamaan wixii ku abtirsada beelaha Habar jeclo,Waxay sifi ganacsi kula wareegtay goobo ganacsi oo uu ka mid yahay Huteelkii waynaa ee Hargeysa Club, oo uu muddo sharci ah ku haystay muwaadin reer Somaliland ahi, ahna Beelaha Habarjeclo”.
“Dawladu waxay sifo sharci daro ah ku joojisay labadii diyaaradood ee Dubai FLY iyo Al-carabiya,oo ay wakiil ka ahaayeen Ganacsato beesha Habarjeclo ah,halkaasi oo ay ku shaqo waayeen dad badani”.,
“Waxa ay dawladdu kula wareegtay Haamihii shidaalka, oo ay sifo sharci ah ugu kiraysnaayeen Inta badan beelaha Somaliland, gaar ahaan Ganacsatada Beelaha Habarjeclo, Waxay dawladdu dhibaato joogta ah ku haysaa ganacsata noocay tahayba, ha u sii badnaadaan warshadlayduye, waxaa wax lala yaabo ah Xisbigii Kulmiye,oo ahaa xisbi Qaran oo umadda u dhexeeyay in Madaxweyne Muuse ka dhigtay geel uu nin lahaa oo ka baxsaday oo uu soo helay oo uu ula isticmaalay sidaana uu kula wareegay, intaasi oo dhan beeshu may hadlin, iyadoo danaynaysa Qarannimadda iyo wad jirka Somaliland”,.
“Waxaa wax lala yaabo ah in maanta Biri magaydadii wadanka iyo mujaahidiintii wadanka ee dhiigga iyo maskaxdaba u soo horay in loo maleego shirqoolo aan la fahmin, islamarkaana jeelasha Hargeysa ay niman isku reer ahi marba jeel gaynayaan, waxaase aanu sheegaynaa oo ay beeshu sheegaysaa, maaha mujaahid Doolaal nin gaya jeel, waa nin wadanka noloshiisii u soo dhameeyay,waa nin xannuunsanaysa oo macaan qaba, waxaanu leenahay haddii ay dawladu sidaasi dan mooday,waxay ka hesho waxba yaanay naga siin”.
“Muusaw maanta waxaad maraysaa Birimagaydadii wadankani lahaa inaad jeelasha ku xidhato, Muusaw waan ku aragnaa halkaad marayso, cadaalad daro waa waxaan uga nimid Soomaaliya,kuraastii beelahani wada lahaayeen ayaad reerkiina ku ururisay, Muusaw adna meel fadhi maysid,, ragna jeelasha ku gurimaysid,hadaad u badheedhay inaad dumiso waanu kula duminaynaa”.