Madax-dhaqameed Ka Hadlay Xaaska Ismaaciil Buubaa Oo Ciidamada Ammaanku Xabsiga U Taxaabeen

0
552

Hargeysa, April 12, 2021-(Foore)-  Ciidamada amaanka ee Magaalada Hargeysa ayaa xabsiga dhigay habeen hore Marwo Sabaax Cabdi Ibrahim oo ah Xaaska Siyaasiga Prof. Ismaaciil Hurre Buubaa,taas oo aan la ogeyn sababta loo xidhay.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ilaa hadda Xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo Hay’addaha amaanka oo tafaasiil ka bixiyey xadhiga ay ciidanka boolisku u geysteen Marwo Sabaax Cabdi Ibrahim oo ahayd xaaska Siyaasiga Prof. Ismaaciil Hurre Buubaa.

Dhanka kalene Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi oo kamid ah madax-dhaqameedka reer Somaliland ayaa si adag uga hadlay xadhiga loo geystay Marwo Sabaax Cabdi Ibrahim oo ah xaaska Siyaasiga Prof. Ismaaciil Hurre Buubaa.

Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi  oo la hadlayey Telefishanka Eryal Tv ayaa waxa kamid ahaa haddaladiisii kuwan:-“Waxa aan u arkaa arrintaa iyadda ah hablihii hore  ee la caayayey ayay kamid tahay inantu,isagana Ismaaciil Hurre Buubaa inuu kusoo darro ayaa fiicnayd inta uu inanta xidhanayo.”ayuu yidhi

Geesta kale Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi ayaa Madaxweynaha Somaliland ku eedeeyey inuu isaguba Hargeysa taageero uga muujiyey Guddoomiyaha aqalka sare ee Somaaliya Cabdi Xaashi “Isaguba sawkii ka hadlaayey ee lahaa Cabdi Xaashi ayaa Wakiil iga ah  ee Mahdi yaan la dooranin ee Cabdi Xaashi ha la doorto,saw kuwii reerkii ay uga bannaan baxayeen meesha iyama ayaa saxan.

Habeen dhawayd ayay ciidamada ammaanku xabsiga dhigeen haweenaydan xaaska Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo aan la ogayn sababta xadhigeeda , balse dhawaan baraha Bulshada ku baahisay sawirro ay lulayso kuna faanayso calanka Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here