Shirkii Madaxda Soomaaliya Oo Lagu Kala Kacay Iyo Xaaladda Muranka Doorashooyinka Oo Meel Xun Maraysa

0
758

Muqdisho, April 8, 2021- (Foore)– Shirkii u dhaxeeyay Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhammaaday ee dalkaasi Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada ee Afisyoone la isugu geeyey ayaa guul-darroo kusoo dhammaaday kadib markii lagu kala booday qodobadii ugu adkaa ee la isku hayey.

Shirka ayaa fashilmay kadib markii la isku mari waayey dhowr qodob oo uu diiday madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhammaaday ee Villa Soomaaliya Mr. Farmaajo, oo ay ka mid yihiin; in ajandaha shirka soo socda lagu soo daro amniga doorashada, gaar ahaan doorka hey’addaha amniga ee xilliga doorashada, si loo ogaado cidda mas’uuliyadda leh.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, oo musharaxiinta mucaaradka kula mideysan Madasha Badbaado Qaran, ayaa qaba in kadib wixii dhacay 19-kii Febraayo, markaasi oo ciidamada amniga ay weerareen musharaxiinta, aan Farmaajo lagu aamini karin amniga doorashada.

Farmaajo ayaa sidoo kale diiday in ajandaha shirka lagu daro doodda la xidhiidha muddo xileedkiisa iyo kan baarlamaanka ee dhammaaday.

Madaxweynaha Maamulka Soomaaliya ee Beesha Caalamku gacanta ku hayso Mr. Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa sidoo kale ku adkeystay in Gobolka Gedo loo dhiso maamul Goboleed oo aysan qeyb ka noqon doorashada Jubbaland. Qodobkan ayaa ahaa mid saaka uu soo kordhiyay madaxweynuhu, kaddib markii Wasiirka Arrimaha Gudaha uu dorraad la kulmay odayaal ka soo jeeda Gobolka Gedo.

Wasiirka Warfaafinta Dawladda Soomaaliya ee xilkeedu dhammaaday Cismaan Dubbe oo shir jaraa’id qabtay ayaa guul-darrada shirka ku eedeeyay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, isaga oo sheegay inaysan rabin inay dalka ka dhacdo doorasho.

“Xukuumaddu waxa ay maanta u caddayneysaa Umadda Soomaaliyeed in labada Madaxweyne Goboleed ee Puntland iyo Jubaland aysan rabin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho uu asaaskeeda yahay heshiiskii 17-kii September iyo is fahankii 16-kii Febraayo. Waana wax laga xumaado in  labadaas Madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland ay noqdeen jid iyo jiho diid aan doorasho oggolayn,” ayuu yidhi Dubbe.

Farmaajo ayaa goor sii horreysay oo shalay ahayd ogolaaday in ka qeyb-galaaysha shirka la ballaadhiyo, laguna soo daro qaar ka mid ah mucaaradka, balse waxa uu diiday dhammaan qodobadkii kale ee la doonayey in ajendaha lagu soo daro.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here