Maamul Goboleedka Puntland Oo Gaadiid Dagaal Iyo Ciidamo Aad U Hubaysan Ku Soo Bandhigay Magaalada Gaalkacayo & Wakhtiga Ay Kusoo Beegeen

0
505

Gaalkacayo, April 8, 2021- (Foore) – Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland ayaa Shalay magaalada Gaalkacayo ku soo bandhigay gaadiid dagaal iyo ciidamo ku hubaysan hub culus taasi oo si weyn la iskaga waydiiyay ujeedada ka dambaysa ee ku soo beegantay wakhtigan ay Soomaaliya ku jirto xaalad muran siyaasadeed oo la isku mari laayahay.

Dhoolatuskan ayaa waxa ay dawladda Puntland ku soo bandhigtay Meel garoon bannaan ah oo badhtamaha Magaalada Gaalkacayo ku yaala. Marka laga yimaado Ciidanka goobtaasi la iskugu keenay oo aad u tiro badnaa, waxa ay sidoo kale ku soo bandhigeen Gaadiid dagaal oo iskugu jira Bee-beeyo, kaarayaal, gaadiid dagaal oo hub culus saaran yahay iyo Qoryaha Culus ee la jiido kuwaasi oo muuqaaladii iyo sawiradii laga qaaday lagu baahiyay baraha bulshada gaar ahaan kuwa u gaarka ah Maamul Gobolleedka Puntland.

Dhoolatuskan ay Maamul  Puntland ku soo bandhigtay Magaalada Gaalkacayo ayaa waxa uu soo beegmayaa wakhti ay si weyn u muransan yihiin Maamul Goboleedyada Soomaaliya iyo Dawladda Dhexe, gaar ahaan waxa uu ismarin waa culus ka dhexeeyaa Maamuladda Jubbaland, Puntland oo isku dhinac ah iyo Dawladda  dhexe ee Soomaaliya taasi oo mid waliba dhinaciisa uu diyaar garaw ciidan urursi ah ugu jiro haddii uu dagaal yimaado, waxaana la aaminsan yahay in talaabaddan ay Puntland shalay ka samaysay Gaalkacayo ay horseed u tahay walaac laga qabo inay ismarin waagani uu isku roggo dagaalo horleh.  Xaaladda Soomaaliya ayaa si weyn u Cakiran wakhtigan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here