“Berigii Aan Xisbiga Samaynayay Ayaan Ka Codsaday Inuu Ila Dhiso Balse Wuu Ka Cudur Daartay, Fursaddu Yaanay Maanta Dhaafin”…Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cirro

0
100

Hargeysa, April 8, 2021- (Foore)- Siyaasi Cabdillaahi Xuseen IimaanDarawal oo hadal ka jeediyay madal lagu shaacinayay musharraxiinta Golaha Wakiillada iyo goleyaasha deegaanka Hargeysa iyo Balligubadle ee beeshiisa oo xisbiga Waddani ka sharraxan ayaa tilmaamay in aanu xisbiga ka mid ahayn laakiin, Xisbigu yahay mid aan la kala lahayn oo ciddii tagtaaba aanay ka dareemayn in cidi ka leedahay sida uu hadalka u dhigay, isaga oo si dad-ban u tilmaamay in arrintaasi ku suuro gashay hoggaaminta Guddoomiyaha xisbigaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Siyaasiga Cabdillaahi Darawal ayaa waxa haddaladiisi kamid ahaa kuwan:- “Anigu Xisbiga WADDANI kuma jirin laakiin, waxaan ogahay intiinii hore ugu jirtay Xisbiga iyo intiina hadda ka daba tagtayba in aydaan ku qaloonayn, xogogaal baan u ahay ragga jooga oo waa saaxiibaday markaa in aydaan ku qaloonayn baan ogahay, in aad si fiican isula qabsataana waan ku rajo weynahay,”  ayuu yidhi Cabdillaahi Darawal

Dhanka kalena Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro oo hadalkaasi daba socda ayaa Cabdillaahi Darawal ugu baaqay in uu Xisbiga ku soo biiro “Barigii ay igu soo dhacday in aan Xisbiga sameeyo  Cabdillaahi Darawal ayaan u tegay oo aan ku idhi igala qayb-qaado wuu ka cudur daartay, markii uu imika halkan ka hadlayay Ayaan islahaa wuxuu odhan xisbiga WADDANI waan ku soo biiray, laakiin waxaan leeyahay saaxiibkay Cabdilaahi Darawal fursadda Saddexaad yaanay ku seegin,” ayuu yidhi Mudane Cabdiraxmaan Cirro.

Masuuliyiintan ayaa ku dheeraaday Muhiimadda ay leedahay Doorashooyinkan isku sidkan ee dalku dhawaan u dareeri doonaa iyaga oo Bulshada ugu baaqay in ay codkooda siiyaan Murashaxiinta Golayaasha Deegaanka iyo Wakiillada ee ka sharraxan Xisbiga WADDANI oo ay ku tilmaameen kuwo xul ah oo umadda wax badan u qaban kara.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here