Nairobi, April 01, 2021- (Foore)- Dhammaanba warbaahinta waddanka Kenya waxa ay saacadihii ugu dambeeyey ka siman yihiin baahinta war argagax galiyey guud ahaanba waddankaasi Kenya kadib markii sirdoonka dalka Kenya baahiyay magaca iyo sawirka nin dalkooda u dhashay oo ay sheegeen in uu yahay argagixiso kaasi oo qorshaysa sida ay sheegeen weerarro culus oo loo adeegsado diyaarado lagu qarxiyo goobo muhiim ah iyada oo digniin loo diray shacabka halka sidoo kale sirdoonku ku baaqeen in ciddii soo sheegta ninkaasi meesha uu ku sugan yahay lacago malaayiin dollar ah la siin doono.
Cabsi xooggan ayaa soo wajahday guud ahaanba Kenya kadib markii ay heleen warbixino sirdoon oo qeexaya suuragalnimada mid ka mid ah muwaadiniintooda khibradda ballaadhan u leh duuliyenimada oo ay sheegeen in uu ku biiray kooxaha Jihaad doonka ah ee Bariga Afrika iyaga oo si gaar ah u tilmaamay kooxda Alshabaab kaasi oo ay sheegeen inuu qorsheynaayo weerar diyaaradeed oo Al-Shabaab soo abaabushay ka fuliyo gudaha Kenya.
Wargeysyada Standar, Daily Nation The Syar iyo Telefishannada oo dhan Sida telefishinka Citizen TV, waxa ay maanta warinayaan macluumaad iyo xogo dheeraad ah oo ku aaddan Sirdoonka iyo hay’addaha amniga oo macluumaadkan soo bandhigay kaasi oo ay ku shaaciyeen in nin Pilot ah oo lagu magacaabo Rashid Mwalimu oo Kenyan ah oo in muddo ah la baadi goobayay ay sirdoonla boolisku soo gudbiyaan macluumaadka ku saabsan Rashid Mwalimu oo xilligaan aanay garanayn meel uu ku sugan yahay balse ay Kenya ku andacoonayso in uu joogo Soomaaliya.
Rashid Mwalimu oo Kenyan ah ayay booliska la dagaalanka argagixisada ee dalkaasi muddo dheer baadi goobayaan, isaga oo ay ku tilmaameen nin halis badan oo khatartiisana leh kaasi oo ah duuliye tababaran horena uga tirsanaan jiray waaxda duulista iyo hawada dalka Kenya. Sirdoonka Kenya waxa ay sheegeen in ninkan Pilot-ka ah ay howhsiisa ugu weyni wakhtigan tahay in uu gobo istaraatiiji ah oo ku yaalla waddanka Kenya ka fuliyo weerarro loo adeegsado diyaarado kaasi oo ay ku sheegeen in uu xubin ka yahay kooxaha Jihaad doonka ah ee dalkooda u dhashay balse aanay garanayn wakhtigan meel uu ku sugan yahay.
Hay’adda amniga Kenya ayaa rumeysan in Rashid Mwalimu uu qorsheynayo in Kenya uu kusoo laabto si uu u fuliyo qorshahiisa Al-Shabaab soo abaabushay. Sida ay ku andacoonayaan balse ma aanay xusun muddoda ninkani uu ka tirsanaa kooxda Alshabaab iyo xogtiisa oo faahfaahsan.
Warbixinta sirdoon ee ay saaka baahiyeen warbaahinta Kenya waxay kalooo sheegaysaa in Rashid Mwalimu uu tababar kusoo qaatay dalal kale oo dibadeed sida dalka Philippines isaga iyo nin ay muddo saaxiibbo ahaayeen oo lagu magacaabo Cholo Cabdi Cabdulla oo bishii July 2019 lagu qabtay dalka Philipine, wakhti uu wax ka baranayay machadka duulimaayada All-Ais ee dalkaasi Philippines.
Qabashada Cholo Abdi ayaa ka danbeysay markii uu saaxiibadii la wadaagay qorshahiisa ah inuu afduubto diyaarad si uu u fuliyo weerar la mid ah kii 9/11 ee sanadkii 2001 lagu qaaday waddanka Mareykanka.
Mareykanka ayaa aaminsan in Cholo uu lix qodob oo dambiyo ah uu wajahayo oo la mid ah weerarkii 9/11 ee Mareykanka lagu qaaday isagoo qorsheynayay inuu afduubto diyaarad uu ku fuliyo weerarkii 9/11 oo kale.
Cholo iyo Mwalimu ayaa ahaa saaxiibo aad isugu dhow waxayna sheegtay Kenya in ay ku biireen kooxda Alshabaab sannadkii 2015, iyagoo mar qudha tababartay isla markaana fuliyay weeraro joogto ah oo ka dhacay Somalia ka hor inta aan loo dirin qorshaha duulimaad ee loogu soo diyaariyay koorsada duulimaad.
Warbixintan sirdoon ee Kenya ka soo baxday waxay kaloo tilmaamtay inay Rashid Mwalimu ay sidoo kale saaxiibo dhow ahaayeen hoggaamiyihii weerarkii hoteelka DusitD2 ee Nairobi Salim Gichunge oo loo yaqaanay Faaruuq iyo Cismaan Geeddi oo geystay dhimashada dad badan kadib markii ay qarxiyeen mid ka mid ah huteellada dadka shisheeshe ku raaxaystaan ee ku yaalla waddanka Kenya kaasi oo ah Disit2.
Ugu danbeyntii hay’addaha amniga Kenya ayaa shacabka ka codsaday inay ka shaqeeyeen sidii warbixin looga heli lahaa Rashid Mwalimu oo qorshahiisu yahay inuu ka dhabeeyo qorsahiisa ah weerar uu ka geysto Kenya.
Dhinaca kale warbixin ka soo baxday waaxda sirdoonka iyo daba galka dambiyada waddanka Kenya waxa lagu sheegay in qof kasta oo soo sheega macluumaad la xidhiidha ninkan Rashiid Mwalimu ay dawladda dalkaasi siin doonto abaal marin lacageed oo aad u badan, inkasta oo aanay sheegin xaddiga lacagtaasi abaal marinta ah.
Mwangu Kenita oo ah khabiir ka soo jeeda Galbeedka Kenya oo ka faallooda amniga iyo dagaallada qorshaysan ayaa waxa uu sheegay in Kenya aaanay ahayn in ay dalal kale ku eedayso in dambiyo noocan oo kale ah laga soo abaabulayo wakhti duhur cad kooxda Alshabaab gaadiidka iyo Huteellada ku qarxinayso gudaha Dalka Kenya waxaanu diiday in ninkan iyo ragga la midka ah ee Kenya u dhashay lagu eedeeyo kooxda Alshabaab ee Soomaaliya balse ay tahay in xukuumadda dalkaasi ay xaqiiqada wajahdo oo ay muwaadiniinteeda qaatay jidkan Rashiid Mwalimu oo kale ay iska dhaadhiciso in ay tahay masiibo qaran oo dalkooda khusayso halkii ay dalalka jaarka mar walba eedo uga diri lahaayeen.