Hargeysa, April 01, 2021- (Foore)- Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu shalay xilka ka qaaday Maareeyihii guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarrada Somaliland Eng. Cabdi Maxamed Rodol isaga oo xilkaasi u magacaabay Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan Qalinle oo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-642/032021 iyo JSL/XM/WM/222-643/032021 uu xilkii kaga qaaday Maareeyihii Guud ee hore ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada kuna magacaabay masuul cusub.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Ku: Cabdi Maxamed Rodol,
Maareeyihii Guud ee hore ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada
Og: Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka
Ujeeddo: Xil Ka-qaadis
Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.
Ujeeddo: Magacaabid
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad,
Markaan Tix-geliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Duulista iyo Madaaradu u leedahay Dhismaha Qaranka;
Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;
Markaan Arkay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
Waxaan Go’aamiyey;
In Mudane, Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan Qalinle laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
Hay’adda Duulista iyo Madaarrada Somaliland oo xukuumadihii hore ee dalka soo maray ahayd Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland ayaa xilka qaadista Maaryaheedu waxa uu ku soo beegnmayaa wakhti si weyn ay hoos ugu dhacday xaaladda Madaarrada Somaliland, Madaarka kali ah ee dalka ka shaqeeyaana uu yahay kan Cigaal ee Caalamiga ah marka laga tago madaarrada yaryar ee diyaaraduhu qaadku keenaan gobollada qaar. Maamulka hawada wixii la isku odhan jiray Soomaaliya oo Somaliland ku jirto waxa si rasmi ah qaramada Midoobay ugu wareejisay Maamulka Muqdisho. Dhinaca kale diyaaradihii caalamiga ahaa ee Madaarka Hargeysa iman jiray ayaa wali maqan wakhti ay ugu weyn tahay diyaaradaha Madaarka Yimaad Diyaaradda Dawladda Itoobiya oo dadka rakaabka ahi si weyn uga qaliyaan xaddiga qiimaha lacageed ee ay tidhida ku jarto.
Isku soo wada duuboo lama oga waxa ay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ka baddali doonto xaaladda Hay’addan hore u ahaan jirtay mid ka mida wasaaradaha dalka ugu muhiimsan balse meeqaamkeedu si weyn hoos ugu dhacay mudadii xukuumaddani talinaysay.