Haweenayda Awoodda Badan Ee Ay Walaalaha Yihiin Hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Ayaa Hanjabaad Culus U Dirtay Koonfurta Kuuriya

0
115

Pyongyang, March 30, 2021- (Foore)- Haweenayda awoodda badan ee ay walaalaha yihiin kalidii taliyaha waddanka Kuuriyada Woqooyi Kuuriya oo lagu magacaabo Kim Yoo Jong ayaa waxa ay weerar afka ah markii labaad muddo toddobaad gudihii ah ku qaaday Madaxweynaha waddanka Kuuriyada Koonfureed oo ay ku sheegtay sidii shimbirka Babqaaga oo kale in uu ka daba qaylinayo Madaxweynaha Maraykanka oo waxa uu Biden yidhaa uun isna ka daba odhanayo.

Kim Yoo Jong oo ay wada dhasheen hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un talada dalkasina saamayn weyn ku leh waxa ay dhaleeceysay madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in. Iyada oo ku eedaysay khudbadiisii ​​ku saabsaneyd gantaalladii ay dhawaan tijaabisay Kuuriyada Waqooyi ee argagaxa galiyay Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed, hadalka ninkaasi oo ay ku jeesjeestay kuna tilmaantay sidii shimbirka Babqaaga oo kale oo ku celcelinaya  ereyada Mareykanka oo kale.

Mss Kim Yoo Jong ayaa cambaareyn dusha uga tuuray bayaan uu soo saaray ka dib markii Madaxweyne Moon, Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed uu khudbad uu jimcihii jeediyey ku sheegay in ficil kasta oo daciifin kara niyadda wadahadalku uu yahay mid aan loo baahnayn”, hadalkaasi oo uu jeediyey saacado uun kadib markii Pyongyang ay xaqiijisay tijaabadeeda gantaalada riddada gaaban oo ah kuwo awood badan oo aanay hore u tijaabin xambaari karana madaxyada Nukliyeerka.

Mss Kim Yoo Waxay sheegtay inay caqli xumo tahay in Moon uu dhaleeceeyo tijaabada gantaalaha Kuuriyada Waqooyi ee “isdifaaca ah sida ay hadalka u dhigtay iyada oo  ku sifeysay tijaabooyinka gantaalaha dadaallo lagu dhisayo nabadda iyo gaashaan dhigga dalkeeda balse aanay cidna weerar ku ahayn sida ay sheegtay.

Ugu dambayn Mss Yoo Waxay tidhi “Isagu ma damqan karo, maxaa yeelay damiir ma laha. Waa sida Shimbirka Babqaaga oo kale. Waxa uu ka daba hadlayaa oo ku dayanayaa hadalka Maraykanka taasina waxba kasoo qaad ma leh” ayay tidhi haweenaydani.

Isku soo wada duuboo waxa wali soconaya dadaallada ay Kuuriyada Woqooyi ku horumarinayso awooddeeda gantaallada oo ay muddoba marka la joogo mar kale tijaabiso kuwo hor leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here