Washington, March 30, 2021- (Foore)- John Godfrey, Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Isbaheysiga Caalamiga ee La Dagaalanka ISIS, ayaa ka sheegay magaalada Washington ee caasimadda Maraykanka in kooxdan argagixisada ah ay sii wadaan inay khatar weyn ku hayaan amniga Suuriya, Ciraaq iyo meelo ka baxsan, oo ay ku jiraan Yurub iyo Waqooyiga Ameerika.
Warbixin ay Maanta Baahisay wakaaladda warraka ee AP, Wargeyska Foore-na ka soo xiganayo ayaa Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Isbaheysiga Caalamiga ee La Dagaalanka ISIS Mr. John Godfrey wuxuu intaa ku daray in tan iyo markii laga adkaaday dawladda isku magacawday Khilaafada Islaamka ah ee ISIS sannadkii 2019 uu ururku xoojiyay hawlgallada Dibadda ee ay fuliyaan laamihiisa Dibaddu sidaa darteed aan awooddiisa la dhayalsan Karin wakhti kastana ay khatartiisu taagan tahay isaga oo baaq digniin ah u kala diray waddamada Yurub iyo meel kaleba gaar ahaan Maraykanka iyo Canada.
Wuxuu sharraxay in tani ay caddeyn u tahay weerar ka dhacay Mozambique dhammaadkii usbuuca, kaasoo in ka badan 55 xubnood oo ka tirsan ciidamada amniga ee dalka Mozambiik lagu dilay weerarkaasi isaga oo sheegay in khatarta ISIS ay xataa halis weyn ku tahay dalalka Afrika.
Godfrey oo arrintan ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Weerarada noocan oo kale ah waxay daliil cad u yihiin in Daacish ay sii wadayso dadaalka ay ku faafineyso howlaheeda ammaan xumada iyo dhiig daadinta ah.” Ayuu yidhi ninkani.
Warbixintan oo Wargeyska FOORE sii wadaa waxa ay intaasi ku daraysaa, Dhinaca kale, Tiro wasiirro arrimo dibadeed oo ka kala socda waddamada isbahaysiga la dagaalanka ISIS ayaa maanta oo Salaasa ah isugu iman doona kulan gaar ah oo khatarta ISIS lagaga wada hadli doono, kulankasi oo ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka Anthony Blinken iyo Sophie Wilms, Ra’iisal wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibadda ee Belgium.
Godfrey wuxuu sheegay in kulanka maanta intiisa badan diiradda lagu saari doono dadaallada ay wadaan isbaheysigani oo waliba ku aaddan xaaladda Ciraaq iyo Siiriya.