“Waxa Igu Maqaalo Ah In Koomishanka Doorashooyinku Madaxweynaha Ka Codsaday In Doorashada Dib Loo Dhigo Balse Uu Diiday”

0
117

Hargeysa, March 29, 2021-(Foore)- Madaxweyne Muuse Biixi ayaa la sheegay inuu ku gacansaydhay qorshe ay guddida doorashooyinku ay ku doonnayaa in dib loogu dhigo doorashooyinka is barkan,waxaana la sheegay inay ku sababeeyeen xalaadda adag ee dalku ku jirro ee cudurka halista ah karoona fayraska, balse waxa la sheegay inuu Madaxweynuhu ka diiday dalabkooda,isla markaana uu ku wargeliyey inay wakhtigii loo asteeyey ay ku qabtaan.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog iyo xildhibaan Nac-nac oo warbaahinta kula hadlay shalay Magaalada Hargeysa ayaa Madaxweyne Biixi ugu baaqay in loo baahan yahay in dib loo dhigo doorashooyinka isku sidkan, maddaama xaalad adag lagu jirro oo uu cudurka halista ah ee karoona fayras is tarab tarab ah u laynayo bulshada reer Somalilan,waxaanay ugu baaqeen Madaxweynaha in la hakiyo doorashooyinkaa oo dib loo dhigo, isla markaana awooda la saaro la tacaalista iyo ka hor taga cudurkaas oo la yareeyo halista uu u keeni karro bulshada iyo bad-baadinta nafo baddan.

Xildhibaan Nac-nac ayaa arrimahaasi ka hadlaya ayaa sheegay sidan:-“ Waxa aanu leenahay Madaxweyne waanu kula oggalnay in doorasho la qabto  waana waajib, laakiin waxa weeye dadkeenii meel xun ayey marayaan, Colaad, cudur ayey maqlayaan, jiilaalkii oo gaadhi gaadhi saar ah  iminka ninka isa soo sharraxaya ee 20 gaadhi abokor Axmed geeyaa, hadhow yaa dadka u soo guraya , markaa waxa aanu leenahay Madaxweyne intii laga ducaysan jiray oo dhan ayaa ina haysata ee dastuurku qabo, waxaanu leenahay il raxmad leh ku eeg innagu haddii aynu ladanay ama beero samaysanay ama gurya waa weyn  samaysanay aanay cidi inoo soo gelayn , waxaanu leenahay ku eeg dadka il raxmad leh oo waxan kale jooji, doorashada in dib loo dhigo in muddo ah  ilaa afar shan bilood,waanu doonaynaa in aanu doorasho qabano, lakiin wax ayaa ina haysta ,waxaanu leenahay inta cudurkani yaraanayo oo roobkuna inoo da’ayo dib inoogu dhig ayaanu leenahay.” Ayuu yidhi Nac-nac.

Dhanka kalene Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog ayaa isna Madaxweynaha ugu baaqay in loo baahan yahay in dib loo dhigo doorashooyinkaa,sababo la xidhiidha cudurkaa halista ah ee karoona fayras oo si xawliyaha ugu fidaya dalka una dilaya dadka “ Marka aanu arragnay faraha kulul ee uu ku hayo cudurka dilaaga ah ah ee coved 19  ummaddii reer Somaliland oo magaalo walba ay bishii dhawr boqol oo qof ay ku dhimanayaa oo dadku tarab tarab u dhimanayaan,haldoorkii reer Somaliland oo u wada jiifa  oo hebel iyo hebel aad odhan kartaan,Marka la eego qoddobka 42aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland farqadiisa 3aad waxay odhanaysaa “Haddii Doorashada Golaha Wakiilladu ay ku qabsoomi weydo duruuf adag awgeed, Golihii hore ayaa xilka sii haynaya inta ay ka dhammaanayso duruuftaas, lagana dooranayo Gole cusub, duruufaha adagi waa Dagaal Baahsan, Xasilooni darro gudaha ah, Aafo dabiici ah oo culus, sida:- dhul gariir, cudurada faafa, abaaro culus,waxaan qiimayna kana go’aan gaadhaya golaha guurtida , ka dib marka golaha xukuumaddu ay sidaa u soo jeediso.”

Xildhibaan Xoog ayaa sheegay in Guddida doorashooyinka Qaranku ay Madaxweynaha u bandhigeen qorshe ay ku damacsanayeen in dib loo dhigo doorashooyinka isku sidkan, sababo la xidhiidha cudurka karoona fayras  “Golihii Xukuumaddu ilaa iminka soo may jeedin,waxa igu maqaalo ah in Komishanka doorashooyinka Qaranku ay u tageen oo ay yidhaah-deen duruufahan adag ee jira cudurkan faafay ee dilaaga ah ee dadkii tarab tarab u laynaya ee haldoorkii Somaliland dhulka dhigay  doorashadii lama qaban karrayo, Madaxweynuhu wuxuu yidhi  mayee doorashadii sidii ku wadda.” Ayuu sheegay

Gebo-gebadii Xildhibaan Xoog ayaa sheegay in intii u yimi cudurka karoona fayras uu Madaxweyne Biixi si weyn isku ilaaliyey, waxaanu ugu baaqay inuu bulshadiisan bad-baadiyo,isla markaana uu dib u dhigo doorashooyinkaa isku sidkan“Madaxweynuhu ilaa cudurkaas yimi hab maqal iyo muuqaal ah  ayuu kula shiraa Golihiisa isagoo beertiisa jooga,wuu wanaagsan yahay inuu is ilaaliyo, lakiin dadkiisana waa inuu u tudhaah Madaxweynaha isaga ayey ku xidhan tahay inuu yidhaah-do waa la madhayaan dib inoogu dhiga doorashadii,lakiin duruuftaa uu jideeyey qoddobka 42 aad  farqadiisa 3aad ee dastuurka ,xukuumaddu waa in ay soo jeedisaa arrinkaa iyada ayaa laga sugayaa, sharcigu waa in ay soo jeediso golaha guurtiduna uu qiimeeyo ,waxaan ku baaqayaa in xukuumaddu ay ku dhawaaqdo inay doorashadii dib u dhigtay lix bilood annaga mussharkaba naga jooji.”ayuu yidhin Xoog

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here