Faysal Cali Waraabe Oo Madaxweyne Biixi Ku Tilaamay Inuu Ka Daran Yahay Maxamed Siyaad Barre,Dalkiina Baylah Iyo Maamul Xumo U Dumayo

0
507

Gabiley, March 29, 2021-(Foore)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in  dalkii uu baylah yahay, isla markaana ay maamul xumo jirto, taas oo uu sheegay inuu uga baqayo inay dalka burburiso mustaqbalka soo socda.

Guddoomiye Faysal ayaa sidaas ka sheegay mar uu haddal ka jeedinayey munaasabada uu Xisbiga UCID uu musharraxiin ugu qabtay Magaalada Gabiley, waxaanu sheega in Kalligii Taliyii Siyaad Barre  uu ahaa digtaytar wax socod siin jiray, balse Madaxweyne Biixi ayuu ku eedeeyey in aanu wax-ba socod siin karrin, isla markaana uu soo doontay xil aanu awoodiisa lahayn “ Halkaa waxa inna dhigay  iyo ictiraaf la’aanta iyo in aynu xudduudaheena gaadhi weyno  waa hoggaan Xumo ,waxana weeye in aad ka fiirsataan qabiil ha eegina, dadku waa wadda ehel eh, qofka hagaagsan ee caqli leh ee iimaan leh ee ummada  isku waddi karra ayaa la doortaa , hadii aad doorataan kolba mid aan,Ogaadeenka ayaa yidhaah, Idoorku ninka uu maqasha kale quusto  ayuu Geella u diraa ayey yidhaah-daan,haddii aad kolba mid Jabhad samayn karri waayey aad codsiisaan.” Ayuu  yidhi Faysal

Dhanka kalene Guddoomiye Faysal ayaa sheegay inuu keliya Somaliland uga baqanayo inay maamul xumo burburiso, balse aanu uga baqaynayn cadow kale , waxaanu sheegay in wax laga xumaado tahay xadhiga Musharraxiinta iyo inay wasiirada Xukuumaddu ay xidhaan musharraxiinta “Dalkeenii waa baylah maanta waa baylah intaas oo Somaliland jirtay maanta ,waxa aan uga baqayaa uun inay maamul xumo inna baa’biiso,cadow shisheeya ka biqi mayno , lakiin waxaan ka baqayaa maamul xumo hoggaan xumo  inay ina baabiiso, wataa maanta  la xidh-xidhayo musharraxiinteenii,ma musharrax uu Wasiirkii qabiilkiisa kasoo jeeday uu xidho miyaad arragteen,Shucaybna habeen dhaweyto ayaa la xidhay laba nin oo reer Samatarana hore ayaa loo xidhay saddex ayaa hadda la xidhay, mid kale warqadii ayaa loo diiday wax ina soo maray waxaasi maaha .” ayuu sheegay Faysal

Gunaanadkii Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa Madaxweyne Biixi eedaymo ujeediyey, waxaanu sheegay  inay dalka u tudhayaan,isagoo Madaxweynaha ku tilmaamay mid aan wax-ba kale socod siin karrayn “Annagu waxa aanu isleenay haddii aad yur yur tidhaah-daan dalka ayaa burburi doonna  Muuse’na dadkii u tudhi maayo,dalkii inta uu miiskiisa keenay wax kasta gurigiisa keenay haba keenee afweynaba digtaytar ayuu ahaaye wax ayuu socod siin jiray,isagu waxna socod siin karri maayo  wax aleele wuxuu qaban karrayaa ma jirto, waxaanu qaban karrayn oo aanu awood u lahayn ayuu soo doontay, qofku waa in uu is xisaabiyaa , kursigaa haddii aad tagtid wax mawadi karraysaa mid aanu waddi karrayn ayuu soo doontay, illaahay ha innaga bad-baadiyo illaahay dalkeena maanta ha inoo bad-baadiyo,waxaynu ku bad-baadi karnaa  innaga oo maanta gacmaha is qabsana oo qabyaalada iska dayna oo marka aad arragtid waxaynu kusoo tacabnay Qarankeenii oo khatar ku jira waa in aynu gacmaha is qabsanaa oo aynu bad-baadinaa.” ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here