Nin Baadari ah oo caan ah laguna yaqaanay in uu gubo Kitaabkeena Masxafka ah ee Qur’aanka Kariimka ah saddex sano ka horna dunidu aad u hadal haysay markii uu ku baaqay in uu gubayo kumanaan kun oo kitaab si weyna ugu caan ahaa nacaybka uu islaamka u hayay ayaa wakhtigan noqday isuna badalay nin Baradhada shiila kadibna waddooyinka la wareega si uu quutal yawmkiisa ugala soo baxo kana hawl gala makhaayad macmacaanle ah oo lagu iibiyo cabitaanada iyo cuntooyinka fudud sida baradhada shiillan oo kale.
Terry Jones waxa lagu xasuustaa 8 sanadood ka hor markii uu si weyn uga cadhaysiiyey dunida islaamka isaga oo wakhtigaasi shaaciyey in uu gubayo in ka badan 5-kun oo Masxafka Qur’aanka kariimka ah koox isaga ku xidhanaydba ay wakhtigaasiba fuliyeen gubista kutub badan oo qur’aan ah iyaga oo wakhtigaasi gubay ku dhawaad 2998 nuqul oo kitaab. Ninkan baadariga ahaa oo ka tirsanaa kiniisad weyn oo ku taalla wadanka Maraykanka ayaa ka mid ahaa koox dad ah oo eheladoodu ku geeriyoodeen weerarkii 11-kii September 2001 lagu qaaday Daarihii dhaadheeraa ee Maraykanka wixii intaa ka dambeeyeyna ninkani noqday mid aad u neceb islaamka iyo muslimiinta. Terry Jones ayaa tan iyo markii uu ku dhawaaqay gubista Kutubta Qur’aanka ah waxa uu baddalay ra’yigiisii isaga oo wakhtigan aad uga qoomameeya falkaasi uu ku hammiyi jiray iyo kooxdii uu abaabuli jiray ee kutubta gubi jiray isaga oo dhinaca kale kaniisaddii uu ka tirsanaa isaga tagay si uu quutal-yawmkiisa ula soo baxana ay ku kalliftay in uu noqdo baradho shiile mudalab ka noqda Macmacaanle yar oo uu ka hawl galo kaasi oo lagu magacaabo Gourmet Cafeteria. Terry Jones ayaa sannadkii 2012 waxa uu soo saaray buug uu ku aflagaadaynayay diinta islaamka oo si weyn suuq uga helay maktabadaha lagu iibiyo kutubta balse muddo kooban waxa uu noqday nin sabool ah oo aan haba yaraatee xataa haysan wax uu ku noolaado maalin iyo habeen. Terry Jones oo 62-jir ah ayaa ka soo jeeda deegaanka Cape Gerardo, Gobolka Missouri ee dalka Maraykanka. Sida uu ku soo warramayo wargeyska Daily Mail oo wax ka qoray arrinkan ninkan baadariga ahaan jiray ayaa sheegaya in uu ninkani wakhtigan aad uga qoomameeyo ficiladii liddiga ku ahaa diinta islaamka isaga oo sheegay in uu ka cabsi qabo in muslimiintu dilaan dhawaana uu soo saari doono kitaab uu cafis kaga dalbanayo muslimiinta.