Hargeysa, March 25, 2021- (Foore)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka Iyo Sadexda Xisbi Qaran Ee Somaliland Ucid, Kulmiye Iyo Waddani Ayaa Kala Saxeexday Xeerka Anshaxa Dooroshooyinka Somaliland ee isku sidkan ee ee Golayaasha Deegaanada iyo Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland oo la filayo in ay dalka ka qabsoomaan dabayaaqada Bisha May.
Xaflad ballaadhan oo xeerkan Anshaxa lagu kala saxeexanayay oo ay soo qaban qaabisay Daladda Ururrada Bulshada Rayidka ah ee SONSAF ayaa lagu qabtay Magaalada Hargeysa, halkaasi oo ay ka soo qayb galeen Masuuliyiinta ugu sarraysa Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Masuuliyiinta Xisbiyada Qaranka, marti sharaf iyo masuuliyiin kale.
Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Mudane Eng Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyoraac) oo madasha ka hadlay ayaa xusey muhiimada Xeerka Anshuxu u leeyahay Doorashada Isku-sidkan isagoo sidoo kalena u mahadceliyay Saraakiisha iyo Garyaqaannada Komishanka Doorashooyinka Qqaranka oo iyagu hawl weyn ka qabtay dhammaystirka Xeerka Anshaxa iyo sidoo kale Mas’uuliyiinka Axsaabta Qaranka iyo waliba Gaboodka Ururrada Bulshada Rayidka ah ee aan dawliga ahayn ee SONSAF iyo waliba dhammaan dhinacyada kala duwan ee la shaqeeya Koomishanka.
“Muhiimadda aynu isugu nimid waxa ay tahay in aan wada saxeexno xeerka Anshaxa doorashooyinka (Code of Conduct). Xeerku waa tuul (Tool), wax kasta oo la qabanayaa waxa ay u baahan yihiin tuul lagaga shaqeeyo. Xeerka anshaxu waa tuulkii lagu shaqayn lahaa ee hawshu ku socon lahayd iyo ilihii la raaci lahaa. Waxa aynu u baahanahay in aynu dhammaanteen qalbiga u sheegno in aynu sidaa u isticmaalo oo aynu u raacno halkaa aynu jeexanay”. Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka qaranka Mudane Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo Raac) oo madasha hadallo kooban ka jeediyey.
Garyaqaan Maxamuud Jaamac oo ka mid ah aqoonyahanka Somaliland ayaa sheegay waxa uu xeerkan Anshaxu waajibin doono waxaanu yidhi: “Xeerkani waxa uu noqon doonaa muddoda ay doorashadu socoto mid hab-dhaqan u noqda oo la isku waydiiyo maxaa laga filayaa axsaabta qaranku in ay sameeyaan. Maxaa ka reebban axsaabta qaranka, sidoo kale wajibaadkoodii baa ku qoran. Xuquuqaha ay leeyihiin baa ku qoran iyaga laftoodu iyo waxa loo ogol yahay. Waa waxyaabaha ay xuquuq ahaan xisbiyadu u leeyihiin haddii ay noqoto xuquuqda distooriga ah ee dastuurka ku xusan iyo haddii ay noqoto xuquuqda siyaasadeed oo la sii ballaadhiyey” ayuu yidhi Garyaqaan Maxamuud Jaamac.
Munaasibaddan oo habeen hore lagu soo gabogabeeyey caasimadda Hargeysa ayaa dhammaan dhinacyadii kasoo qaybgalay muujiyeen niyadsamaan iyo farxad iyagoo xusey siday uga go’an tahay in gacmaha la isku qabsado hirgalinta Doorashooyinka Isku-sidkan ee JSL ka qabsoomi doona 31-ka Bisha May 2021 Alle. Munaasibadda ayaa Koomishanka Doorashooyinka Qaqaranku ay si rasmi ah usoo xidheen iyagoo mahadna u celiyey cid kastoo qabanqaabadeeda kasoo qaybqaadatay oo ay ugu horeyso SONSAF.