Guddoomiye Cirro Oo Shalay Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Iyo Khilaaf Xoog Leh Oo Ka Dhex Qarxay Guddida Soo Xulista Musharaxiinta Goleyaasha Wakiiladda Iyo Deegaanka Ee WADDANI

0
816

Hargeysa, March 25, 2021- (Foore) – Gudodomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay kadib safar gaaban oo uu dalka dibadda uga maqnaa waxaanay soo laabashadiisani ku soo aadaysaa wakhti lasoo gunaanaday Xulista Musharaxiinta Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiiladda ee Xisbiyada uga qayb galaya tartanka soo socda.

Sidoo kale waxa uu soo laabashada safar Gudoomiye Cirro ku soo beeegmay wakhti uu muran xooglihi hadheeyay Xarunta Guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ee Hargeysa kaasi oo salka ku haya hanaanka ay u mareen Gudida loo igmaday Xulista Mushariinta Xisbiga uga qayb galaya Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiiladda Doorkan, iyo walaac iyo buuq xoogleh oo ka aloosan Kaadiriyiintii Xisbiga WADDANI ee hanka lahaa oo la sheegay in lagu badelay Musharaxiinta suuq joog ah oo hanaan lacageed iyo nin jeclaysi daaqadda looga galiyay taasi oo si weyn muran uga dhex dhalisay Gudaha Gudida iyadoo qaar ka mid ahi iskaga huleeleen Shaqadda islamarkaana ay taleefanada xidheen.

Qaar ka mid ah Kaadiriyiinta Xisbiga WADDANI ee cabanaya ayaa door weyn ku leh deg deg u soo laabashada Gudoomiye Cirro, waxaana Gudoomiye Cirro sugaya Shaqo Culus oo u baahan ka fiirsi iyo baadhis qoto dheer taasi oo uu bad ku badbaadinayo Mustaqbalka Xisbiga WADDANI, islamarkaana uu meesha uga saarayo tuhuno culus oo dul heehaabaya oo ku saabsan falal cajiib ah oo la sheegay inay ku kaceen xubno ka tirsan Gudida soo Xulista Musharaxiinta Xisbiga WADDANI kuwaasi oo haddii ay ku cadaato fadeexad iyo sumcad dilis ku ah aaminnaaddii iyo wado lahaanshiyihii Xisbinimo.

Qoraalo lagu daabacay Baraha Bulshada ayaa sheegaya in Xubno ka tirsan Gudido ay si toos ah ula falgaleen Xisbiyadda kale iyagoo u fududaynaya danaha qarsoon ee ay Xisbiga ka leeyihiin ashkhaas Xisbiyada kale ka mid ahi taasi oo macno ahaan loo turjumay in aduun lacageed ama balanqaad maaliyadeed arintaasi lakala siistay. Qaar ka mid ah Gudida ayaa sidoo kale qayb ka ah inuu Gudoomiye Cirro dalka  hore ugu soo laabtay oo uu soo gaabiyo safarkiisa kuwaasi oo musharaxiinta la wadaagay tuhuno horleh oo ay laftoodu ka qabaan shaqsiyaad Gudida ka tirsan oo shaki wayni ku dul hoganayo hab doodistooda gudida dhexdeeda.

Halkan Hoose Ka Akhriso Magacyada Xubnaha Uu Gudoomiye Cirro U Igmaday Soo Xulista Musharaxiinta Goleyaasha Deegaanka Iyo Wakiilada Xisbiga WADDANI.

1-Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, Guddoomiye

2- Xirsi Cali Xaaji Xasan, Guddoomiye Kuxigeen

3-Maxamed Cali Cabdi

4-Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarji)

5-Cabdale Maxamed Carab (Sandheere)

6-Khadar Cabdi Xuseen

7-Jamaal Xaamud

8- Cabdirisaaq Khaliif

9-Baar Siciid

  1. Foosi Maxamed Xirsi
  2. Bashiir Cabdi Xariir
  3. Saleebaan Ducaale

13 – Cali Cabdi Saayiq

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here