Maamulka Wargeyska Foore Oo Raalli Galin Ka Bixiyey War Ku Saabsan Haamaha Keydka Shidaalka Berbera

0
505

Berbera, March 22, 2021- (Foore)- Maamulka iyo Tifaftiraha guud ee Wargeyska Madaxa bannaan ee Foore waxa ay raalli galin iyo cudur daar rasmi ah ka bixinayaan war ku soo baxay wargeyska Foore cadadkiisii 1820aad ee soo baxay Isniintii Bishan March ahayd 15-ka kaasi oo ku saabsanaa Haamaha Shidaalka ee Magaalada Berbera.

Markii ay dib u eegeen Maamulka iyo Tifaftiraha Guud ee wargeyska Foore waxa ay xaqiijiyeen in warkaasi sifo khalad ah uga soo baxay wargeyska kaasi oo aanu Raalli Galin Buuxda ka siinayno dhammaanba Masuuliyiinta Haamaha Shidaalka Berbera, Gaar ahaan waxaanu annaga oo ka xun cudur-daar rasmi ahna ka bixinayna warkaasi Raalli galin buuxda ka siinaynaa Maareeyaha guud ee Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka Mudane Xasan Axmed Ibraahim (Embassy).

Masuuliyiinta sare ee Wargeysku waxa ay Maaareeyaha uga cudur daaranayaa raalli-galinna ka siinayaa warkaasi oo aanu wargeysku si talo gal ah cidna ugu beegsanayn balse sifo khalad ah uga soo baxay iyada oo aanu gar-waaqsanahay muhiimadda Haamaha Shidaalku qaranka u leeyahay iyo hawsha culus ee ay masuuliyiintani hayaan.

Waa masuuliyad saaran Wargeyska Foore iyo maamulkiisa  in aanu halkan annaga oo gar-waaqsan sida uu na faray xeerka saxaafadda Somaliland Xeer Lambar 27/2004 in aannu raalli galin ka bixino wax kasta oo qalad ah oo naga yimaad ama laga tirsado wararka ku soo baxa wargeyska Madaxa Bannaan ee Foore, waana mid aanu ka xunahay iyada oo aannu cudur daarkaasi iyo raalli galintaasi gaadhsiinayno Maareeye Xasan Axmed Ibraahim (Xasan Embassy).

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here