Waddanka Kenya Oo Si Lama Filaan Ah Uga Baxay Dacwadda Kiiska Badda Ee Ka Dhaxeeyey Soomaaliya Iyo Xogta Qareennada U Kala Safan Labadan Waddan

0
459

Hague, March 15, 2021- (Foore)- Waddanka Kenya ayaa shalay si rasmi ah u shaaciyay in uu gabi ahaanba ka baxay kiiskii dacwadda Badda Soomaaliya iyo iyagu isku haystaan oo dhagaysiga dacwadda mar kale maanta oo Isniin ah dib loo bilaabi lahaa. Qoraal uu soo saaray xeer Ilaaliyaha waddanka Kenya Paul Kihara Kariuki kaasi oo sheegay in ay cabasho badan ka qabaan sida dacwaddan ay u waddo maxkamadda ICJ iyo waliba in ay u xaglinayso Soomaaliya.

Mid Ka Mid Ah Fadhiyadii Ugu dambeeyey Dhagaysiga Kiiska khilaafka Badda Soomaaliya iyo Kenya u dhaxeeya ayaa maanta ka furmaya Magaalada Hague ee waddanka Netherlands iyada oo maxkamadda caddaaladda Adduunka ee ICJ ay guda galayso labadii wareeg ee ugu dambeeyey dhagaysiga dacwadda.

Xukuumadaha Muqdisho iyo Nairobi ayaa mid waliba isu diyaarinaysaa sidii ay Kiiskan nafta u dul dhigi lahayd waxaana labada dhinac u kala safan qareenno caalami ah oo aqoon durugsan u leh sharciga iyo qaanuunka dawliga ah gaar ahaan sharciga badaha.

Wargeyska Foore waxa uu soo ururiyey magacyada, khibradda iyo aqoontada qareennada u kala safan dalalka Soomaaliya iyo Kenya ee mar kale maanta goradda isku galin doona maxkamadda ICJ.

Ku dhawaad Lix qareen ayaa Soomaaliya Kiiska Dacwaddan gacanta ugu haya oo Fadhiyadii hore ee dhagaysiga Caddaymaha iyo dhukumantiyada maxkamadda horteeda wacdaro ka dhigay inkasta oo Gabadha Soomaaliyeed ee qareenka ah Muna Sharmaan oo qareennada Dawladda Soomaaliya ka mid ahayd aanay imika wareegyada ugu dambeeya ku sugnayn Maxkamadda kadib markii ay hore uga tagtay hawshan iyada oo shaqo ka heshay Bangiga adduunka.

Marka laga tago Qareen Muna Sharmaan Qareenada difaacaya dacwada badda ee Soomaaliya waa qareeno caalami ah oo si fiican loo aqoonsan yahay kana kala yimid Waddamada Mareykanka, Boqortooyada Ingiriiska iyo Faransiiska. Qareenka koowaad waa Paul Reichler waa Garyaqaan caalami ah oo fadhigiisu yahay Washington, DC, dalka Maraykanka kana soo jeeda Harvard Law School, JD, waxa uu sannadkii 1973-kii ka qalin jabiyay cum laude iyo Tufts University oo uu shahaadada B.A ee sharciga ka qaatay. 1969, wuxuu ku hadlaa luuqadaha Isbaanishka iyo Ingiriiska.

Xarunta Chambers Global waxay ku sifeynaysaa Garyaqaan Paul Reichler inuu yahay “garyaqaan qaali ah, hogaamiye dabiici ah iyo maamule weyn. Isaga oo adeegsanaya khibradiisa baaxada leh ee garnaqsiga caalamiga ah iyo aqoonta qotada dheer ee Sharciga Badaha, Mudane Reichler wuxuu dalal dhawr ah ku hogaamiyey inay la yimaaddaan aragtiyo sharci oo wax ku ool ah, waxna ka qabtaan xeelado sharciyeed iyo warbixinno faahfaahsan oo sharci ah. ” Qiimeynteeda 2019 ee Sharciga Caalamiga ah ee Dadweynaha, Xarunta Chambers Global waxay qareenkan ku qortay bog gaar ah oo loo bixiyay “Star Individual” Shakhsi Xiddig ah, oo ah kan ugu sarreeya dhinaca xirfadda qareennimada). Paul waa qareenka kaliya ee Chambers Global qiimayntaasi gaarka ah ku qoratay loona aqoonsaday.

Qareenka labaad waa Professor Philippe Sands waa 60 jir degan London, caasimadda waddanka Britain, waxna ku soo bartay Harvard Law School ee dalka Maraykanka iyo waliba Corpus Christi College, wuxuu kaloo wax ka dhigaa University College London iyo jaamacado kale oo ku yaal Maraykanka, Canada, France iyo Australia. Waa Ingiriis sidoo kalena leh dhalasho Faransiis ah. Waa qareen ruug caddaa ah oo dooddiisa iyo xujooyinkiisa sharciga ahi waji gabax ku ridaan qareennada ka soo horjeeda ee lidka ku ah ama ka soo hor jeeda hadba kiiska uu qareenka ka yahay. Laga soo bilaabo sannadkii 1999-kii illaa 2019 waxa uu ku guulaystay in ka badan 11 Abaal marinno iyo Billado caalami ah oo la xidhiidha dhinaca shuruucda iyo qawaaniinta caalamiga ah, buugaag uu qoray iyo kiisas uu ku guulaystay oo la xidhiidha dhinaca muranka badaha, ilaalinta xuquuqda aadamaha iyo kiisas la xidhiidha xad-gudubyada dagaallada ee heer caalami. Waxa uu la taliye sharci u yahay shirkado waaweyn oo Maraykanka, Yurub iyo meelo kale ku kala yaalla.

Qareenka saddexaad ee ka mid ah qareennada hogaaminaya kooxda qareennada ah ee Soomaaliya baddeeda difaacaya waa qareen sare Professor Alain Pellet 72-jir ah, waa hal-abuur sharci oo Faransiis ah, waxa uu wax ku bartay caasimadda waddanka Faransiiska ee Paris haddana wuxuu wax ka dhigaa jaamacado waaweyn oo ay ka mid yihiin Université de Paris Ouest, Nanterre La Défense, iyo kuwo kale wuxuuna hore lataliye dhinaca sharciga ah oo sare ugu ahaan jiray dowladda Faransiiska.

Saddexda qareen ee kor ku xusan oo ka mid ah qareennada Soomaaliya ku matalaya  dacwadda badda ayaa ah qareeno caalami ah oo la aqoonsan yahay, aadna loogu tix galiyo majaalka ama dhinaca sharciga iyo qawaaniinta caalamiga ah, kuwaas oo hore ugu guuleystey dacwado badan oo ka dhacay maxkamadaha caalamiga ah isla markaana kasbaday abaalmarino caalami ah. Qareen Paul Reichler oo ah qareenka Ameerikaanka ahi waxa uu xaqiijiyey in Soomaaliya ay 100% hubaal ku guuleysan doonto kiiska badda ee Kenya oo ah dhul-badeed Soomaaliyeed oo aanay haba yaraatee Kiiniya wax shuqul ah ku lahayn.

Muna Sharmaan oo ah Gabadh Soomaali ah oo qareen ah oo kiiskan qareen ka ahayd kana mid ahayd xubnahan qareennada ah wareegyadii hore ee dhagaysiga kiiskanna wacdaro ka muujisay ayaan iyadu nasiib u yeelan doonin in ay dhammays tirto gabogabada Kiiskan ay dalkeeda ugu shaqaynaysay. Muna Sharmaan ayaa ka baxday guddiga qareennada ee difaacayay doodda Soomaaliya, sida ay xaqiijisay dowladdu sannadkii hore. Muna Sharmaan waxay ahayd gabadhii sida weyn loo bartay xilligii ay socotay dhageysigii dacwadda badda ee dowladda Soomaaliya geysay ICJ. Cali Siciid Fiqi, safiirka Soomaaliya u fadhiya xarunta Midowga Yurub oo maalmahaasi ay Muna shaqada joojisay la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in Muna Sharmaan ay ka baxday qareennada difaaca kiiska Soomaaliya”. “Waa gabadh Soomaaliyeed, kiiska maalintii ugu horreysay illaa iyo goor dhow ayey ku jirtay. Muddo afar bilood laga joogo, ayey madaxweynaha Soomaaliya la soo hadashay waxa ay Madaxweynaha u shareaxda sababta ay qareennada uga baxday. Waxay tidhi ‘madaxweyne shaqo ayaan ka helay Bangiga Adduunka. Marka waan ka cudur daaranayaa sii wadidda hawshan” sidaas waxa warbaahinta u sheegay wakhtigaasi safiirka Soomaaliya u fadhiya Midawga Yurub Cali Siciid Fiqi.

Haddii aynu intaasi kaga gudubno qareennada Soomaaliya dhinaca waddanka Kiiniya waxa ay Kiiskan u soo xulatay qareenno caalami ah iyo kuwo dalkeeda u dhashay. Hore waxa ugu safnaa dhinaca Kiiniya qareennadan kala ah: Karim Khan oo Ameerikaan ah, Payam Akhavan oo isna American ah, Makena Muchiri oo ah qareen Kenyan ah, Vaughan Lowe QC oo British ah, Alan Boyle oo British ah, Mathias Forteau oo Ranansiis ah iyo Amy Sanders oo isna British ah.

Muddo kadib dhawaan Kiiniya waxa ay qareennadan ku samaysay intooda badan wax ka baddal waxaana imika hogaaminaya Prof. Sean D. Murphy iyo Xaakim Tullio Treves oo hor kici doona qareenno ka kooban Lix qareen oo xirfadlayaal sharci ah oo geed dheer iyo mid gaabanba u fuuli doona sidii natiijada maxkamaddu Kenya dhinaceeda u noqn lahayd.

Prof. Sean D. Murphy iyo Xaakim Tullio Treves waa qareenno khubaro ah oo aad aqoontooda sharci u sarrayso waxaanay hore u soo galeen oo qareenno ka noqdeen kiisas dhinaca Muranka Badda ah oo ay dalal dhawr ahi sharciga isula yimaaddeen waxaana kiisaska ay ka qayb galeen ka mid ah kuwo ay isla maxkamaddan Caddaaladda Adduunka ee ICJ hore u qaadday.

Xubnaha kale ee kooxda qareennada waddanka Kiiniya waxaa ka mid ah boroofeesarrada Phoebe Okowa oo Kenyan ah, Professor Makane Mbengue oo dhalasho ahaan ka soo jeeda waddanka Senegal balse wakhtigan wax ka dhiga Jaamacadda Geneve kuna nool dalkaasi Switzerland, Garyaqaan Laurence Boisson De Chazournes oo ah haweenay sharciga ku takhasustay oo Faransiis ah waxna ka dhigta Jaamacadaha Switzerland, Professor Christian Tams oo sharciga caalamiga ah ka dhiga jaamacadda Glascow ee Gobolka Scotland iyo ugu dambayn Professor Eran Sthoeger oo ah bare sare oo sharci oo wax ka dhiga Jaamacadaha waddanka Maraykanka. Isku soo wada duuboo inkasta oo ay wakhti kale qaadan doonto bal waxa laga dhur sugi doonaa halkan uu kiiskani ku dambeeyo iyo cidda ay maxkamaddu u xukunta Biyaha ay Kenya iyo Soomaaliya isku haystaan.  Lamana oga halka uu kiiskani ku dambayn doono.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here