Qorshaha Shaxda Cusub Ee Xisbul-xaakimka KULMIYE Uu Ku Doonayo Inuu Ku Hello Aqlabiyadda Xildhibaanada Golaha Wakiillada Ee Gobolka Saaxil

0
485

Berbera, March 15, 2021- (Foore)- Warar Wargeyska Foore  ka helay xarunta Gobolka Saaxil, ayaa tibaaxay in magaaladda Berbera uu ka jiro dhaqdhaqaaq Siyaasi ah oo aad uu bedelay dareenka dadka reer Berbera , kaasoo ula jeedadiisa lagu xidhiidhiyey inuu salka ku hayo Istaraatijiyad cusub oo Xisbul-xaakimka Kulmiye u dejiyey Mustaqbalka tirada Xildhibaanada Golaha Wakiiladda ee uu filayo inay uga soo baxaan Gobolka Saaxil.

Amuurtan oo sida la sheegay ruxday dareenka dadka reer Berbera, ayaa sida xogguhu tibaaxeen  waxa qasriga madaxtooyadda iyo hoggaanka Xisbiga Kulmiye ay isla qaateen in hirgelinta Mushruucan loo magacaabo ama loo xilsaaro masuuliyiin, kuwaas oo ay xogguhu ka gaabsadeen inay xusaan magacyadooda,waxa Wararku intaa ku dareen in xubnahaas  hadda loo cimmaamaday hirgelinta mashruucan asbaabaha lagu xushay ay kowka tahay kaalintii ay kasoo qaatay hawlgal kan lamid ah oo Madaxtooyadda iyo hoggaanka Xisbiga Kulmiye hadda ka hor ka fuliyeen degmada Berbera, gaar ahaana xilligii lagu gudo jiray ollolihii Doorashaddii Madaxtooyadda ee sannadkii 2017-kii iyo  Golihii deegaanka ee sannadkii 2012-kii

Sidoo kale, wararka iyo xoggaha ku taxaluqa amuurtan, waxa qaarkood tibaaxeen si hindisaha qorshahani u meelmaro in hoggaanka xisbiga Kulmiye iyo Madaxtooyaddu ay mar labaad dejiyeen Istaraatijiyad kaloo ay ugu talo geleen inay door ka qaadato sidii qorshahani ku hir-geli lahaa. Waxana sida iluhuu tibaaxen hindisyaasha wajiga cusub kamid ah in la abuuray koox cusub oo ujeedadoodu tahay inay xubnaha uu Xisbigu u igmaday hawshaas ay kala shaqeeyaan isku xidhka iyo abaabulka bulshada deegaanka.

Dhaqdhaqaaqyadan cusub ee ay hadda lasoo baxeen shoofeerrada Cusub ee Madaxtooyadda iyo Hoggaanka Xisbiga Kulmiye, ayaa ka sakow cadhada arrintani ay ku abuurtay dadka deegaanka reer Berbera, waxa kaloo, iyana arrintan ka biyo diiday Mudanayaasha Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiiladda) ugu jira gobolka Saaxil, kuwaa soo sida ay xusen Wararka gobolka Saaxil laga helayo, dhawrkii maalmood ee uu danbeeyey iskugu tagay magaalada Berbera si halkaa intaa ay joogan ugu gorfeeyan dhacdaadan ugubka ah ee ay la kowsaday wajiga cusub ee Kulmiye iyo Madaxtooyadda.

Waxana wararka qaarkood lagu sheegay in Mudanayaasha Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiiladda) ee reer Berbera intaa ay ku sugan yihiin kulaamo iyo la tashiyo la sameyn doonaan dhalinyarada iyo waxgaraadka deegaanka, iyagoo sidoo kale-na ku talo jira in la helo Istaraajiyad mideysan oo lagaaga hortagayo ama ay kaga gaashaamanaayan hindisaha xulufada cusub ee Xisbiyadda Mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here