Wararkii Ugu Dambeeyey Khasaaraha Ka Dhashay Dab Ka Kacay Machad Hargeysa Ku Yaalla

0
417

Hargeysa, March 8, 2021- (Foore)- In Ka Badan 48 Dhaawacayada Hablo dhigta Macadka Al Dacwa ee magaalada Hargeysa ayaa la soo gaadhsiiyey dhakhtarka weyn ee magaalada Hargeysa iyada oo halkaasi lagu dabiibayo.

Wararkii ugu dambeeyye ee naga soo gaadhaya Xaaladda Dabkii shalay galab qabsaday Machadka diinta laga barto ee Al Dacwa ee Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Ku dhawaad 48 Hablood oo qaba dhaawacyo kala duwan la soo gaadhsiiyey Cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa illaa inta la xaqiijiyey kadib markii ay ku dhaawacmeen dabkii qabsaday dugsiga wakhti ay xiisaduhu u socdeen ardayda.

Inkasta oo aanay wali xogo rasmi ah oo faahfaahsani ka soo bixin xaaladda dabkan oo baadhitaan lagu wado, ayaa waxa xaaladdan sababay Dab ka kacay macadka Al Dacwa gudihiisa wakhtiga dabku kacay oo  ardeydu ku jireen fasalada xiisadaha loogu dhigayay islamarkaana markii ay waayeen meel ay ka baxaan ay dhaawacyada ugu badan ka soo gaadhen ka dib markii ardaydu ka daateen daaqadaha macadka si ay nafahooda u badbaadiyaan, arrintaasi oo keentay badiba dhaawaca ardayda soo gaadhay.

Ciidamada Dab-demiska qaranka ayaa isla markiiba goobta soo gaadhay waxaanay ku guulaysteen in ay dabka demiyaan iyada oo aan wali la ogayn waxa rasmiga ah ee sababay kicidda dabkaasi. Ciidanka Dabdemiska iyo gurmadka madaniga ah ayaa waxa ay markiiba guda galeen in ay badbaadiyaan ardayda wakhtigaasi qaarkood ku go’doonsanaayeen fasallada halka kuwo kalena ay ka daateen dhismaha machadka ee dabku ka kacay arrintaasi oo sida aan soo sheegnay sababta ugu badan ahayd in ay dhaawacyada ardaydu bataan.

Xaaladda 48-ka Hablood ee dhaawacyadani kala duwani soo gaadheen ayaa dhaawacyadoda qaarkood culus yihiin halka kuwo kale oo fududina jiraan iyada oo dhaawacyadoodu u badan yihiin xaalado Jajab ah waxaana wakhtigan lagula tacaalayaa Cisbitaalka weyn ee hargeysa. Dhacdan oo kale ayaa nadir ku ah dabka oo inta badan dhibaato dadka soo gaadhsiiya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here