Madaxweyne Muuse Biixi Oo Loogu Baaqay Inaanu Waxba Lacag Isaga Kharash Garayn Wasiir Faratoon Oo Nasiimo Loogu Baaqay

0
525

Hargeysa, March 8, 2021-(Foore)-Wasiir hore ee arrimaha debada Xukuumadda Madaxweyne Biixi Yaasiin Maxamuud Xiir “Faratoon” oo shaaciyey inuu u sharraxan yahay doorashadda Golaha Wakiillada Somaliland,isla markaana ay xukuumadda sheegtay inay doonnayso inay ka dhigto mustaqbalka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee cusub,ayaa loogu  tilmaamay inuu yahay hawlgab, iyadoo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi loo soo jeediyey in aanu wax lacag ah iskaga qarash garayn Musharrax Faratoon.

Xildhibaan Cabdiraxman Xoog oo kamid ah Xildhibaanadda Golaha Wakiillada Somaliland ayaa sheegay in Yaasiin Faratoon ay oo da’diisu weyntay  oo ay ahayd inuu dhalinyarta jaanis siiyo, isla markaana aanu isa soo sharraxiin madaama oo uu yahay hawlgab “ Wasiirka iska casiley arrimaha debada Faratoon ee doonnaya inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada,annagii aad macalinka noo ahayd ee aad na dhali karraysay ayaa leh hawlgab ayaanu nahay qofku haddii uu lixdan dhaafo waa hawlgab,waa in dhalinyaradda loo baneeyaa meesha,isagu anniga ayuu 20 sanno iga weyn yahay anna dhawr iyo lixdan ayaan ahay, sidee ayuu ku qaban karraa Guddoomiyaha golaha Wakiillada .”

Dhanka kalene Xildhibaan Xoog ayaa sheegay in meesha uu ku socodo Yaasiin Faratoon oo ah  Guddoomiyenimada golaha Wakiillada aanay hawl yarayn  “Waxaan u sheegayaa Mr Faratoon meesha uu ku soo socdaa ma hawl yarra ma maamuli karro, ninka weyn waad garanaysaan, arragiisa, maqalkiisa,xusuustiisa, waxaas oo dhammi wey is dhimmayaan marka uu weynaado qofku,waxaan noqonayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada anniga oo sideetan dhaafay ma shaqaynayso, adeer waxaan ku leeyahay meesha yaanu wadnuhu kugu istaagin meesha aad kusoo ordaysaa shaqo fudud maaha meesha waa la isku cunnaa biyo la’aanta ayaa la isku dejiyaa,waa la dooddaa gacanta  ayaa la iskula tagaa.”ayuu yidhi

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog ayaa Madaxweynaha Somaliland ugu baaqay in aanu wax lacag ah iskaga qarash garayn Musharrax Yaasiin Maxamuud Faratoon “Madaxweynaha waxaan leeyahay waxaad ku tidhi Faratoon iska casil arrimaha debada,waxaan kuu hayaa Golaha Wakiillada’e lacagtaada ha iskaga qarash garayn kaasi wax baddan kuu keeni maayee .” ayuu ydihi Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo Gaolaha Wakiillada ka tirsani.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here