Guddoomiye Cirro Oo Sheegay Haddii Uu KULMIYE Haysan Jiray Mayaarradda Magaalooyinka Waa Weyn Ee Dalka In Doorkan La Iskugu Imanayo

0
431

Hargeysa, March 8, 2021-(Foore)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa sheegay in doorashooyinka Golayaasha degaanka ee  inagu soo aadan in Maayaradda Magaalooyinka waa weyn ee dalka la iskugu iman doonno, isla markaana lagu tartami doonno

Guddoomiye Cirro ayaa sheegay in doorkii hore KULMIYE haystay inta baddan Mayaradda Magaalooyinka waa weyn ee dalka,balse hadda la iskugu iman doonno, isla markaana uu xisbiga WADDANI ku rajo weyn yahay inuu Magaalooyinka waa weyn ee dalka uu qaato Maayaraddooda

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa sidaas ku sheegay Wareysi uu siiyey Telefishanka HCTV,waxaanu haddalkiisa u dhignaa sidan:-“Doorkan tartanka Maayaradda waa la iskugu imanayaa  haddii uu KULMIYE wadda haystay Berigii hore, waa la iskugu imanayaa Rajooyina waan ka qabnaa in aanu Magaalooyinka waa weyn aanu ku guullaysano qaybo ka mid ah .” ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cirro.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here