Hargeysa, March 8, 2021- (Foore) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac “Xoog” ayaa weerar afka ah ku qaaday khudbadaha Madaxweyne Biixi la hor yimaado Goleyaasha Qaranka iyo Fagaraayaashaba, Isagoo si gaar ah uga hadlay Khudbadda uu maanta u jeedinayo Madaxweynuhu Labada Gole Baarlamaan, waxaana uu sheegay inay u diyaar yihiin inay Su’aalo waydiiyaan walaw uu sheegay in Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax ka diiday, balse waxa uu Xildhibaanu codsi u dirtay Madaxweynaha inuu ogolaado in Su’aalo ay waydiiyaan Mudanayaashu.
Xildhibaan Xoog oo Shalay Waraysi khaas ah siiyay Wariye Badri Koosaar oo ka hawlgala Telefishanka SAHAN ayaa waxa uu yidhi “Badanaa Madaxweynaha Khudbadihiisu waa gole ka fuul,oo bartiisi uunbuu wuxuu doono ka yidhaahdaa, inkasta oo maalmahan dambe laga yara qabtay oo aan arkay inuu Nootis yara eegayo, markaa waxaan leeyahay lama saadaalin karo Khudbadda uu maanta jeedinayo,Laakiin Madaxweynuhu waxaan filayaa inuu ka hadli doono doorashooyinka, abaaraha, Cudurkan saf-marka ah ee dilaaga ah ee Covid-19, Golahayagan uu wakhtigu ka dhamaaday, Waxa uu ku sii sagootinayo ee uu na odhanayo, xaaladda Nabadgalyo ee wadanka”.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Ciidankii Maalintii dhawayd Tabashada keenay, inuu cadeeyo oo uu yidhaahdo, Ciidanku dhaqaale xumo ayay ka cawdeen, Dhakhtar la’aan ayay ka cawdeen, wixiinna waanu balan qaadnay, wixii maanta ka dambeeya inuu halkaasi ka balan qaado, oo uu yidhaah, Mushaharka ayaanu u kordhinaynaa, waxaa maanta laga filayaa Madaxweynuhu inuu kor u qaado Mushaharka Ciidanka, inuu yidhaado, ninkii Xannnuunsada caafimaad dibadeed ayaan u dirayaa, inuu xoogga saaro arinkaasi hadda taagan ee Ciidanka weeyi”.
Waxa kale oo uu ka hadlay Xildhibaan Dalbaday in Maanta Su’aalo la waydiiyo Madaxweyne Biixi oo Khudbad u jeedinaya labada Gole Baarlamaan Waxaana uu yidhi “Xildhibaan ayaa soo jeediyay in Kulanka Labada Kole ee Isniinta Maanta uu Madaxweynuhu la yeelanayo in Su’aalo lagu waydiiyo, Gudoomiye Baashe Waxa uu ku jawaabay la waydiin maayo, markaasuu Xildhibaan kale yidhi, Siilaanyabada lama waydiin jirin, markaasaa la yidhi, Madaxweyne Riyaaleba waa la weydiin jiray, markaa arintani arin ugub ah maaha, waa arin Curad ah, oo Riyaale lasoo waydiiyay, laakiin Siilaanyo inaanu dhiigga ku Karin oo Caafimaadkiisa laga ilaalinayay, Madaxweyne Biixi waa nin aad doodda u jecel, kaftanka u jecel, su’aalaah jecel, waxaan Madaxweynaha fariin halkan uga dirayaa inuu ogolaado, maadaama oo aanu anaga mudo xileedkayagu kabaabsi yahay inuu nagu sii sagootiyo innuu Bari noo ogolaado inaan Maanta Su’aalo waydiino”. Ayuu hadalkiisa ku soo koobay Xildhibaan Xoog.