Hargeysa, March 4, 2021- (Foore)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon ayaa warqaddiisa is casilaadda waxa uu u gudbiyey Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi si uu rasmi ahaan u gudo galo hawsha Musharraxnimo ee uu ugu ordayo Golaha Wakiillada Somaliland oo uu ka tartami doono Gobolka Sool.
Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon ayay ilo xog-ogaal ahi warbaahinta u sheegeen in uu Madaxtooyada rasmi ahaan ugu gudbiyey warqadda istaqaaladdiisa uu kaga tagayo xilka wasiirnimo ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo uu muddo dhawr sano ah hayay isaga oo la sheegay in uu maanta oo Khamiis ah iska xaadirin doono xarunta Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE oo uu horeba uga mid ahaa si ay u guddoomaan Hogaanka xisbigu musharraxnimadiisa.
Ilo xog-ogaal ahi waxa ay Wargeyska Foore u xaqiijiyeen in Madaxweynaha Somaliland ka aqbalay in iscasilaaddiisa qaybna ka yahay in uu ku taageero tartanka uu u gali doono doorashooyinka innagu soo aaddan xilka xildhibaannimo kadibna haddii uu ku soo baxo in uu u sii tartamo mansabka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada.
Wasiir Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo hore u soo maray sidoo kale wasaaradda Waxbarashada Somaliland ayaa waxa uu rajaynayaa in uu ka tartamo Gobolka Sool oo ay sidoo kale ka sharraxan yihiin rag miisaan ku leh xisbiyada Mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID kuwaasi oo uu tartan adag la gali doono. Waxaanay wararka xaaladda Faratoon sheegayaan in Madaxweyne Muuse Biixi doonayo in uu ku soo baxo mansabkaasi si uu ugu tartamo mansabka Guddoonshaha Wakiillada oo ay sannadkan sidoo kale Mucaaridku doonayaan in ay ku muquuniyaan xisbiga KULMIYE maadaama ay muddo ahaayene xubno lagaga tiro badan yahay.
Dhawaan ayay ahayd markii wasiirka Arrimaha dibadda somaliland Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon Gobolka Sool kaga dhawaaqay in uu u taagan yahay tartanka Doorashooyinka Golaha Wakiillada. Waa wasiirkii koowaad ee xukuumadda Muuse Biixi ka tirsan ee xil wasiirnimo iska dhiiba si uu u raadsado kursi ka mid ah Wakiillada.